Muqdisho (SONNA): Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aways Jaamac ayaa hambalyo ku aaddan maalinta xorriyadda saxaafadda caalamka u diray dhammaan suxufiyiinta Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in suxufiyiintu ay udub dhexaad u yihiin nabadda iyo dowlad dhiska, sidaa daraadeedna ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xoriyadda saxaafadda, dhowrista bedqabka suxufiyiinta, daah-furnaanta, xoriyatul qowlka iyo fududeynta qaabka ay saxaafaddu ku heli lahayd wararka.
“Si Soomaaliya ay horumar u gaarto, waxyaabaha aasaasiga ee aan u baahanahay inaan hirgelino ayaa waxaa ka mid ah in suxufiyiinta loo abuuro jawi ay si xor ah ugu shaqeyn karaan, bedqabkooda iyo inay tababaro xirfadahooda sare loogu qaado ay helaan” ayuu yiri Daa’uud Aways.
Wasiirka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqqy in xuska maalinta xoriyadda Saxaafadda ee 3-da May, ayaa sanadkan ku soo beegmaya iyadoo dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay go’aansatay inay si daah-furnaan iyo isla xisaabtan ku dheehan ugu adeegto shacabka Soomaaliyeed, tusaalaha nool ee go’aankaasina uu yahay kulankii dadweyne ee dhowaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud uu uga jawaabey su’aalo ku saabsan siyaasadda iyo waxqabadka dowladda oo ay shacabku weydiinayeen.
Waxa uu ugu dambeyn wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, mudane Daa’uud Aweys uu ugu baaqey saxaafadda inay sii wadaan doorka wanaagsan ee ay ka cayaarayaan wacyigelinta bulshada, inay cod u noqdaan bulshada inteeda jilicsan ee aan fursadda u helin in codkooda la maqlo, dhismaha dowladnimada, nabadda, daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka, iyadoo la tixgelinayo danaha qaranka, iyo anshaxa saxaafadda.