Muqdisho-(SONNA)-Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka SoDMA Xarunteeda ka digista Halis-wadareedka oo digniin iyo talabixinba siineeysa bulshada Soomaaliyeed si ay uga taxadaraan khataraha uga imaankara daadad ama fatahaado ka dhalankara roobka xilliga Gu’ga oo ka curtay qeybo kamid ah dalka, In kastoo la saadaalinayo in ay roobabkaasi noqonayaan kuwo xaddi ahaan ka hooseeyndoona intii xilliga Gu’ga la heli jiray.
Waxay saadaashu roobka xiliga Gu’ga Todobada casho ee soo socota oo ah asbuuca ugu horeeya ee Bisha May 2023ka muujinaysaa in roob xoogan ka di’i doonaan qaar ka mid ah gobollada dalka Sida; Awdal, waqooyi-galbeed, Sool, Sanaag, Togdheer, Bari, Nugaal, Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeelada-Dhaxe, Banaadir, Shabeelada-Hoose, Jubad-dhaxe iyo Jubada-Hoose sida saadaashu sheegayso waxay helidoonaan roobab fiican oo cabirkoodu gaarayo 50 illaa 150 (mm).
Waxaa si adag looga digayaa bulshada ku nool Gobalada kor ku xusan iyo Wabiga hareerihiisa in ay aad uga feejignadaan saameynta roobku ku yeelan karo naftooda iyo Hantidoodaba.
Insha Allah …. إِنْ شَاءَ ٱللَّٰهُ