Muqdisho.(SONNA):- Hoggaanka Baarista Dembiyada iyo Qeybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa maanta degmada Deyniile gaar ahaan WARLALISKA ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan eedeysane Khawaarij Xasan Nuur Cali oo walxaha qarxa ku waday Mooto Bajaaj Guduud ah.
Ciidanka Booliska oo fashiliyay qorshaha Khawaarij Xasan Nuur Cali ayaa sheegay inuu rabay waxyeeleynta shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, waxayna ciidanku halkaas ay ku qarxiyeen miinadii uu waday dhagar- qabaha.