Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM
    September 28, 2025
    Kulanka Hordhaca ah ee Yagleelidda Ururka Qiimeynta Soomaaliya
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 26, 2023
4 Min Read
Share

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha

Muqdisho, Arbaco, 26 April, 2023

1- Dowladda iyo shacabka ayaa ugu Hambalyeeyay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo bishii Ramadaan xaqiijiyay in magaalooyin badan oo dalka ka tirsan si nabad ah loogu soomay, laguna ciiday. Ciidanka oo kaashanaya shacabka ayaa Khawaarijta u diiday fursad ay ku geystaan falal argagixisonimo sidii looga bartey sannooyinkii la soo dhaafay.

2- Munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay is cafiyaan, is-kaalmeeyaan, lagana shaqeeyo dowlad dhiska iyo ciribtirka Khawaarijta.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis u fidiyay 127-maxbuus oo ku xirnaa xabsiyada dalka munaasabadda Ciiddul Fidriga awgeed.

4- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Ciidammada Qalabka Sida ugu hambalyeeyay suuragelinta sugidda amniga dalka, gaar ahaan iyagoo suurageliyay in magaalooyin badan oo dalka ka tirsan 15 sanno kadib si nabad ah oo xorriyad leh loogu afuray.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo booqday xerada milateriga ee Gordan ee Muqdisho ayaa halkaasi kula dardaarmey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ku biiraya hawlgalada ciribtirka Khawaarijta ee dalka daafahiisa ka socda.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Marwo Maryan Yaasiin u magacaabey Ergayga Arrimaha Carruurta iyo xuquuqda Soo-galootiga.

7- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo degdeg u bilaabeysa daadgureynta iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Suudaan oo dhowaan ay dagaalo ka bilowdeen.

8- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Burundi Albert Shingiro oo dhowaan Muqdisho booqasho ku yimid ayaa bogaadiyay guulaha degdegga ah ee Dowladda Soomaaliya ay ka gaartey dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab, isagoo intaa ku darey in Burundi ay si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya.

9- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa wakiillada hay’adaha caalamiga  kala hadashey qorshaha samatabixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dalka Suudaan oo dagaalo ka socdaan.

10- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Mudane Maxamed Cali Xagaa oo guddoomiyay shir looga hadlayey xoojinta amniga iyo hirgelinta Xeerka Xakameynta Hubka ee caasimadda.

11- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo burburiyay goobo ay Khawaarijta dadka ku baadi jireen oo kala ah

Aw-dheegle, Daanyeerrey, Gumeysi diid, Ay Butey, Buulo Naageey iyo Keli caafimaad oo ka kala tirsan Aw-dheegle, Jannaale iyo Lambar Konton ee gobolka Shabeellaha Hoose.

12- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa  fashiliyay weerar naf la caari ah oo Khawaarijta ku qaadeen magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

13- Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta ka xoreeyay tuulada Jameeco ee gobolka Hiiraan.

14- Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo hawlgal amniga lagu sugayo ka fuliyay Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay dhowr burcad ah iyo dad ka ganacsanayey maandooriyaha.

15- Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa la horkeenay 30 ruux oo ajaanib ah oo lagu soo eedeeyay inay kaluumeysi sharci darro ah ka fuliyeen xeebaha dalka. Waxaa sidoo kale maxkamadda ay xaraasheysaa kaluunkii sida sharci darada ah ay eedeysanayaasha uga jilaabteen xeebaha Soomaaliya.

16- Ciidanka Danab oo deeq raashin ah gaarsiiyay xarun ay ku jiraan caruur darbi jiif ah.

17- Maamulka Gobolka Banaadir oo xiray goobo lagu iibiyo maandooriyaha oo ku yaala xeebta Liido ee Muqdisho.

18- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa burburiyay fariisimo qarsoodi ah oo Khawaarijta ku lahaayeen degaanka Ceel-Qansax oo hoos taga degmada Galcad e Galmudug.

19- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Daraawishta Jubaland ayaa burburiyay fariisimo ku yaalla Buula Maadey iyo Alamgaab oo ka tirsan Jubbada Hoose, halkaas oo ay Khawaarijtu ku dhuumaleysanayeen.

20- Ciidanka Danab ayaa deeq gaarsiiyay qeybo ka mid ah Degmada Galcad oo ka mid ah  degaannadii laga xoreeyay Khawaarijta Al Shabaab.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr.…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya Cadowgeeda koowaad waa Xabashida (WARBIXIN)

Cadowtinimada Soomaalida iyo xabashida waa mid soo soo jireen ah, waxa uuna ka soo bilowday Qarniga 15-aad, waxaana halganka Shumaca…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
September 1, 2024

Madax ka socota xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka qeyb galay shir caalami ah

Muqdisho,(SONNA):- 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒 ayaa ka qaybgalay Shir heerkiisu sarreeyo oo uu Midowga Afrika ku qabtay magaalada Lomé…

GudahaWararka
May 18, 2025

Maxkamadda Gobalka Mudug oo xakun dil ah ku ridday dambiiile Cabdixariin Muxyadiin

Muqdisho (SONNA)-Maxkamadda Gobolka Mudug ayaa soo gaban-gabeysay fadhiyo dhowr ah oo ay ku dhageysatey dacwad ciqaabeed dil ah oo loo…

GudahaWararka
August 27, 2021

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo shir muhiim ah kaga qeyb galay dalka Ciraaq

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan Abubakar, ayaa ka qayb-galay meertada 61-aad ee shirka…

GudahaWararka
December 12, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023