Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha
    May 13, 2025
    Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabagay aqoon isweydaarsi ku saabsan daryeelka Bulshada 
    May 13, 2025
    Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulantay danjiraha Turkiga
    May 13, 2025
    Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Madaxa Olombikada Soomaaliyeed
    May 13, 2025
    Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya
    May 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweynaha Mareykanka oo gaaray dalka Sacuudiga
    May 13, 2025
    PKK oo ku dhaqaaqday soo afjaridda collaad 40 sano kala dhaxeysay Turkiga
    May 12, 2025
    Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul
    May 11, 2025
    Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordheysa
    May 9, 2025
    Dadka Gaza oo wajahaya macluul daran & dhimasho joogto ah
    May 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
    Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda
    May 3, 2025
    Is-diiwaangali, si aad u hesho xuquuqdaada Codbixinta ee Dastuuriga ah (WARBIXIN)
    April 30, 2025
    Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
    April 26, 2025
    ‘Khawaarij Kaba ku Tukade Inta aan ka aqaano ayaa idinkaga filan’ (WARBIXIN)
    April 23, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
    Wasiirka Cadaaladda oo qeyb galay furitaanka Tartanka Wacyigelinta Nabadda iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir
    February 17, 2025
    Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo casho sharaf  ku maamuustay ciyaartoyda 17-jirada ah
    December 28, 2024
    Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo dhiirrigelisay xulka Qaranka ee 17-jirada
    December 24, 2024
    Danjiraha JFS ee Uganda oo casho sharaf ku maamuustay ciyaartoyda xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17 sano,
    December 23, 2024
Reading: Maalinta Cudurka Duumada oo caalamka lagu xusay (MAQAAL)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maalinta Cudurka Duumada oo caalamka lagu xusay (MAQAAL)
GudahaMaqaallada

Maalinta Cudurka Duumada oo caalamka lagu xusay (MAQAAL)

By Ruush Abdullahi
Last updated: April 25, 2023
4 Min Read
Share

Maadama ay maanta ku began tahay maalinta Duumada Adduunka, inta aan u guda galin mowduuca marka hore aan is weydiinno waa maxay Duumo ama Malaria? Duumada waa xanuun aad ka qaadi karto qaniinyada kaneecada. Cudurka duumadu tallaal ma leh. Duumada waxay noqon kartaa mid aad u halis ah. Hababka ugu fiican ee looga hortago duumadu waa iyadoo laga fogaado qaniinyada kaneecada iyo qaadashada daawada laguu qoray inta aad safarka kujirto iyo kadib marka aad soo laabato. Dadku waa u dhiman karaan 12 saacadood gudahood laga bilaabo marka xanuunka ay dareemaan, xiitaa haddii duumadu hore ugu dhacday.

Maxaa dhacaya haddii Hooyo uur leedahay? Qaadista duumada inta aad uurka leedahay waxay waxyeeli kartaa adiga iyo ilmahaaga. Waxaa aad u fiican in aanad u safrin meelaha duumada leh inta aad uurka leedahay. Haddii ay tahay inaad safarto, waxa jira daawooyin duumada ah oo badbaado ah inaad qaadato inta aad uurka leedahay. Dhakhtarkaaga ayaa kaa caawin doona inaad doorato daawada adiga kuu fiican.

Waa maxay calaamadaha cudurka duumada? Maxaan sameeyaa haddii aan leeyahay?

Calaamadaha cudurka duumada waxa ka mid ah xummad, gariir, qarqaryo, madax-xanuun, murqo xanuun, Matag iyo daal. Waxaa laga yaabaa inaad dareentid sidii aad hargab qabto. Waxaad sidoo kale laga yaabaa inaad yeelato lallabo, matag, ama shuban. Duumada waa loo dhiman karaa haddii aan isla markiiba la daawayn. Qof kasta oo safar ah ee xanuusada lehna xummad ama sidii hargab loo qabto waa inuu dhakhtarka u tago. Waxa cududrka duumadu kugu soo bixi karaa inta aad safarka ku jirto.

Inkastoo Cudurka Duumada (Malaria) uu yahay mid laga hortagi karo lana daaweyn karo, hadda Sanadkii tagay waxaa u dhintay 619,000 oo Qof, sida ay Warbixin ay soo saartay Hey’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO, iyadoo uu Cudurkaan halista ah ayaa inta badan qaninyada Kaneecada dhidigga ah (Anopheles) ku fida Dadka degan Dhulka Kuleylaha ah…

Calaamadaha ugu horeeya ee lagu arko Qofka qaba Cuddurkaan waa kuwo fudud oo Qandho leh ayna adag tahay in la ogaado iney Malaria tahay, haddii aan la daaweyn 24-saac gudahood, waxayna sababi kartaa geeri, inkastoo Tirada guud ee Sanadkii 2020-kii ay aheyd 625,000 Qof u geeriyoodeen cuddurka Duumada.

Warbixinta Hey’adda WHO oo ay sameysay ayaa muujineysa in 247-Millions oo Xaaladood oo Duumo ah ay dhaceen marka la barbar dhigo sanadkii 2020-kii oo la diiwaan geliyay 245-Millions, waxayna Saaraakiisha WHO ay sheegeen inay uga sii dartay Cuddurka Covid-19 oo cuddur saf mareen ah uu Aduunka ku faafay.

WHO ayaa qirtay in 4-Wadan African ayaa in ka badan kala bar dhammaan dhimashada Duumada ka dhaceen, kuwaasoo kala ah Nigeria 33%, Jamhuuriyada Demuqaraadiga ee Congo 12,6%, Tanzania 4,1-% iyo Niger 3,9%.

Maalinta Duumada Adduunka oo la xusayo ayaa ku dhawaad ​​kala bar dadka adduunka ayaa halis ugu jira duumada sida ay sheegtay Qaramada Middobay waaxdeeda u qaabilsan Caafimaadka WHO.

Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa ayaa ku dadaashay sidii loo xakameyn lahaa fidintaanka Cudurka duumada ayaa qaaday tallabooyin ballaaran,iyada oo loo marayo ololeyaal ballaaran, UNICEF oo la shaqeyneysa Wasaaradda Caafimaadka iyo la-hawlgalayaasheeda kale waxay qaybiseen 2.7 Milyan maro-kaneeco, taas oo cayayaanka ka ilaalisa Dadka  sanadka 2022-kii, si looga hortago cudurka duumada meelaha khatarta sare leh ee dalka oo dhan.

Haddaba waxa la gudboon Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan meelaha ay Webiyadu maraan iyo Baraagaha waaweyn inay ka feejignaadaan halista cudurka Duumada oo sababi karo dhimasho, si ugu fudud ee looga hortagi karo waa in la xirto Maro-kaneeco, si aad uga baaqsato qaniinyada Kaneecada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

Banku (SONNA): Wasiirka Beeraha iyo waraabka JFS Xil. Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) iyo wafdigii…

May 13, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Ismaaciil Maxamuud Hurre

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan…

GudahaWararka
April 5, 2023

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay Howlgalinta Markabka Sahminta Shidaalka Oruç Reis

Muqdisho, (SONNA): Wasiirka Warfaafinta XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeyb galay xaflad ballaaran oo lagu qabtay dekedda magaalada…

GudahaWararka
October 25, 2024

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la yeeshay safiirka UK ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacanka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay safiirka Dowladda Ingriiskaee Soomaaliya Amb.…

GudahaWararka
November 26, 2023

Ra’iisul wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tansaaniya

Daarusalaam-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Daarusalaam ee…

GudahaWararka
July 25, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023