Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay furitaanka Bandhigga Buugaagta ee Jabuuti
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay furitaanka Bandhigga Buugaagta ee Jabuuti
GudahaWararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay furitaanka Bandhigga Buugaagta ee Jabuuti

By Dahir Aadan Cali
Last updated: April 24, 2023
3 Min Read
Share

Jabuuti.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuryadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta magaalada Djibouti si rasmi ah uga furay Bandhigga Buugaagta Djibouti ee sannadkan 2023-ka, iyadoo Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliyana lagu martiqaadey ka qeybgalka munaasabbadaasi.

Bandhigga Buugaagta ee Djbouti ayaa sidoo kale lagu soo beegay Maalinta Buugaagta iyo Xuquuqda Daabacaadda ama Wax Qorista Adduunka – oo ah maalin ay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) u astaysay laga soo bilaabo 1995-kii, si loogu dabaaldego ka faa’iideysiga akhriska iyo buugaagta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo madaxweynaha kala qeybgaley furitaanka bandhigga ayaa ugu horeyn hambalyo kal iyo laab ah u diray dalka aynu walaalaha iyo deriskaba nahay ee Jamhuuriyadda Djibouti, sida ay u garteen muhimadda qiimaha waxbarashada, xuquuqda daabacaada, buugaagta, cilmi baarista iyo aqoonta ay u leeyihiin horumarinta bulshada ,iyadoo aanay ku koobneyn Jabuuti oo keliya ee balse ay tahay aalad ay adeegsan karaan dhammaan dadywoga ku dhaqan Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Hal ku dhigga sannadkan ee Bandhiga Buugaagta ee  Djibouti ayaa ah “Buuggu Waa  Tilmaan Midnimo iyo Tebiyaha Cilmiga, Nabadda iyo Wada Noolaanshaha Geeska Afrika.”, waxaana ii Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis sheegay in hal ku dhiggan uu tilmaamayo baaq ku aaddan iskaashiga iyo wadashaqeynta dhabta ah ee ka dhexeeya waddamada Geeska Afrika oo ku salaysan aqoon wadaagga. “ Maadaama aanu isku wada waafaqsanahay in aqoontu  tahay awood, laakiin waxaa iyana muhiim ah in la wadaago aqoontaas oo ah furaha furaha ka faa’iideysiga awooddaas baaxadda leh. Waxaa marka uu waajib naga wada saran yahay inaan abuurno jawi u oggolaanaya akhriska, qoraalka, xuquuqda daabacaadda, waxbarashada, cilmi-baarista iyo aqoonta oo la wadaago si loo horumariyo danaha muwaadiniinta iyo guud ahaan gobolka” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti gaarsiiyay salaan uu uga siday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyay Soomaaliya ka soo qeybgalka bandhiggan, waxaana uu dhankiisa salaan gaar ah iyo bogaadin u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya iyo shacabka intaba.

Bandhiggan ka dhacaya Djibouti ayaa kulminaya aqoonyanno gobolka Geeska Afrika ka socda iyo dunida inteeda kale.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Xasan Macallin oo ka qayb galay munaasabada sanad guurada 54aad ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Muqdisho (SONNA):- Wasiirka wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS  Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa Maanta ka qayb galay Munaasabada…

GudahaWararka
February 22, 2024

Maamulka Galmudug oo la tacaalaya daadad kusoo rogmaday Magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-(SONNA)-Maamulka , qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa si weyn ula tacaalaya sidii…

Wararka
November 7, 2019

Wasiiru dowlihii hore ee Amniga Farxaan Cali” Madaxweyne Xasan Sheekh waa u dhabar adeegay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta”

Muqdisho,(SONNA):-Wasiiru dowlihii hore ee Amniga Farxaan Cali oo ka qayb galay barnaamijka Raadraac ee ka baxaa Telefishinka Qaranka ayaa ka…

GudahaWararka
August 24, 2023

Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug oo shir ku qabatay Galmudug

Muqdisho,(SONNA):- Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa magaalada Galkacyo ku qabatay shir muhiim ah oo looga hadlayo caqabadaha ay la kulmaan xubnaha…

GudahaWararka
September 20, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023