Muqdisho-SONNA)-Ergayga gaarka ah ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magalaada Muqdisho u qaabbilsan arrimaha Abaaraha, Yaasmiin Jaamac Xasan ayaa kulan muhiim ah oo ku saabsan xal u helidda Maareenta dadka Barakacayaasha iyo sidii loo horumarin lahaa nolashooda la qaadatay Gudoomiyaha hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamud Macalim.
Labada dhinac ayaa kawada hadlay xoojinta wadashaqeynta Hey’adda Maareenta iyo Musiibooyinka qaranka iyo sidoo kale xafiiska Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha u qaabilsan Duqa Muqdisho, dardargelinta howlaha samafalka ee lagu caawinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo sida ugu haboon ee dib udajin loogu sameyn karo Barakacyasha.