Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Madaxa Olombikada Soomaaliyeed
    May 13, 2025
    Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya
    May 13, 2025
    GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE BJFS OO I WADANKA NDONESIA UGA QEYB GALAY KULAMO HORUDHAC U AH SHIRWEYNAHA BAARLAMAANKA ISLAAMKA.
    May 13, 2025
    𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝗞𝘂 𝗦𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝗸𝗶𝗶𝗹𝗸𝗮 𝗚𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗠𝗶𝗱𝗼𝘄𝗴𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮
    May 13, 2025
    Qoysas danyar ah oo ku Nool degmada Dayniile oo la gaarsiiyay deeq gargaar ah
    May 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweynaha Mareykanka oo gaaray dalka Sacuudiga
    May 13, 2025
    PKK oo ku dhaqaaqday soo afjaridda collaad 40 sano kala dhaxeysay Turkiga
    May 12, 2025
    Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul
    May 11, 2025
    Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordheysa
    May 9, 2025
    Dadka Gaza oo wajahaya macluul daran & dhimasho joogto ah
    May 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
    Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda
    May 3, 2025
    Is-diiwaangali, si aad u hesho xuquuqdaada Codbixinta ee Dastuuriga ah (WARBIXIN)
    April 30, 2025
    Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
    April 26, 2025
    ‘Khawaarij Kaba ku Tukade Inta aan ka aqaano ayaa idinkaga filan’ (WARBIXIN)
    April 23, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
    Wasiirka Cadaaladda oo qeyb galay furitaanka Tartanka Wacyigelinta Nabadda iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir
    February 17, 2025
    Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo casho sharaf  ku maamuustay ciyaartoyda 17-jirada ah
    December 28, 2024
    Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo dhiirrigelisay xulka Qaranka ee 17-jirada
    December 24, 2024
    Danjiraha JFS ee Uganda oo casho sharaf ku maamuustay ciyaartoyda xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17 sano,
    December 23, 2024
Reading: Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo si rasmi ah u soo xiray Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo si rasmi ah u soo xiray Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka
GudahaWararka

Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo si rasmi ah u soo xiray Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 20, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka  iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi  ayaa caawa soo gabo gabeeyay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeyb galeen 30 degmo oo ka kala tirsan gobollada dalka oo av 15 ka mid ah ay ahaayeen degmooyinka Gobollka Banaadir iyo 15 degmo oo Gobolada Dalka ka mid ah kuwaasi oo ay ku jiraan degmooyin laga xoreeyay khawaarijta, waxaana taaba-gelinta  si wadajir ah isaga kaashaday Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS.

Munaasabadda xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka waxaa ka kaloo ka qeyb galay  Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye,  Agaasimaha Guud  ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, guddiga tartan cilmiyeedka, Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte iyo xubno kale

Agaasime Cabdifataax Daahir Jeyte oo ka mid ah guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo xafladda hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay tartamayaasha ka qeyb galay tartanka sida quruxda badan ee ay ku soo bandhigeen aqoontooda, isagoo mahadcelin gaar ah u jeediyay daadihiyeyaasha iyo gudiga tartanka oo u dhabar adeegay muddada uu tartanka socday, isla markaana uu xusay inay jireen Macalimiin Soomaaliyeed oo si qoto dheer ula socday hannaanka tartanka sanadkan.

“Tartanka sandkan aad ayuu u xiiso badnaa, dhiiri gelinta loo sameynayay degmooyinka ka sokow waxaa jirtay su’aalo dhextaal ah oo la weydiinayay dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku taxan tartanka, kaasi oo habeenkasta uu bankiga IBS ku bjxinayay abaal marino lacageed oo ay caawa ugu dambeysay oo uu dhageyste ku guuleystay 300$, waxaan kaloo u mahadcelinayaa macalimiinta oo kaalin muhiim ah ka qaatay tartanka”. Ayuu yiri Agaasime Jeyte.

Qaar ka mid ah tartamaayashii kaalimaha koowaad iyo labaad ka galay tartanka oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka ayaa u mahadceliyay cidkasta oo gacan ku siisay tartanka, ayna ku qanacsanyihiin natiijadii caawa tartanku ku soo idlaatay, kuwaasi oo isugu hambalyeeyay guusha.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay cidkasta oo gacan ka geysatay diyaarinta tartanka, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay howlwadeennada Warbaahinta Qaranka, Maamulka Gobolka Benaadir iyo Bankiga IBS oo iska kaashaday taabagelinta tartanka.

Guddoomiye Ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa yiri  “Runti waa wax lagu farxo in 30 degmo oo15 ka mid ah Gobolka Banaadir iyo 15 degmo oo Gobolada Dalka oo ay ku jiraan degmooyin dhawaan laga xoreeyay, khawaarijta in tartan nuucaani oo kale ah loo qabto, runtii tartaka waa mid ay Soomaali oo dhan ay ku xiranyihiin dal iyo dibad, hambalyo ayaan idin leeyahay”.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo khadka taleeefonka uga qeybgalay munaasabadda xiritaanka tartanka ayaa ugu horeyn hambalyo iyo bogaadin u diray dhamaan tartamaayashii ka qeybgalay tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka.

“Hambalyo ayaan u dirayaa dhamaan intii ka qeybgashay, gaar dhamaan reer Galmudug waxaan u hambalyeynayaa guuleystayaasha tsrtanka sanadkan oo ah magaalada Dhuusamareeb, sidoo kale Gaalkacyo waxaan  leeyahay Hambalyo oo kaalinta 2-aad ka gashy tartanka iyo tartamayaasha Degmada Hodan oo kaalinta 3-aad ku guuleystay”. Ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa hoosta ka xariiqay in la joogo waqti aqoon lagu tartamayo, isagoo hambalyo u diray cidkasta oo gacan ka geysatay taaba-gelinta tartanka oo ah mid si weyn ay bulshadu ugu taxantahay.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi  oo soo xiray tartan cilmiyeedka ayaa ugu horeyn hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan tartamayasha kala galay kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad oo kala ah Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud, Mudug iyo Banaadir.

Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah u boggaadiyay  Guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo kaalin muuqda ka qaatay,  maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS, isagoo xusay in tartanka uu ahaa Hooyada tartanka, maadaama ay ummadda Soomaaliyeed isha ku wada heysay hanaanka uu tartanka u socday.

“Waxaan hambalyo u dirayaa tartamayaasha ka qeyb galay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa tartamayaasha kala galay kaalimaha 1-aad,  2-aad iyo 3-aad, waxaan u mahadcelinayaa intii ka qeyb qaadatay iyo intii lahayd fikirka aqoonta lagu tartamayo, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo igu sharaftay furitaanka iyo xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka”. Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Madaxa Olombikada Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA);-Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka…

May 13, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Warsaxaafadeed Wasaaradda Warfaafinta ee Weerarkii Hotel SYL Muqdisho

Muqdisho.(SONNA) - Ciidamada Amniga Dowladda Soomaaliya ayaa soo Gabagabeeyay howlgalkii ay ka wadeen Hotel SYL oo weerar naf Halignimo ah…

Wararka
December 11, 2019

Wafdi ay hoggaamineyso Wasiirka Gaadiidka XFS oo gaaray Magaalada Beledwayne

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo wafdi ay hoggaamineeyso ayaa…

GudahaWararka
February 4, 2023

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed & Wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo, (SONNA):- Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, mudane Cabdulqaadir Maxamuud Aadan, ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo si ay u…

GudahaWararka
November 29, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Eretria

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa u ambabaxay dalka Eritrea. Safarka Madaxweynaha ayaa…

GudahaWararka
October 9, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023