Muqdisho.(SONNA):- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo gudanaya Cumrada, ayaa ugu duceeyay ummadda Soomaaliyeed in Alle uu ka dulqaado dhammaan dhibaatooyinka heysta oo ay ugu horreeyaan abaaraha iyo colaadda, uguna beddelo barwaaqo, nabad iyo midnimo.
Raโiisul Wasaaraha waxaa safarka Cumrada ku weheliya qaar katirsan xubnaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in sanadkan uu noqon doono Gugii Guusha oo geesiyaasha ciidanka qalabka sida iyo shacabka oo wada jira ay uga xoreyn lahaayeen dalka Khawaarijta dhiigga ummadda daadinayay muddo 15 sano ah.