Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Qaramada M oo ka digtay in daadadka ka jira Soomaaliya ay keeni karaan cudurro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Qaramada M oo ka digtay in daadadka ka jira Soomaaliya ay keeni karaan cudurro
Gudaha

Qaramada M oo ka digtay in daadadka ka jira Soomaaliya ay keeni karaan cudurro

By Kulane
Last updated: April 14, 2023
2 Min Read
Share

Daadadka webiyada ee ka dhashay roobabka lixaadka leh ee ka da’aya Soomaaliya waxay keeni karaan soo ifbaxa iyo in ay dillaacaan cudurrro halis ah oo ka dhallan kara biyaha ,sidaasi waxaa digniin ku bixiyay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegtay in roobabkaan ay ku soo aadeen xilli ay jireen  cudurka Daacuunka iyo shuban biyoodka oo laga soo sheegay  maamul goboleedyada Jubaland, Koonfurta Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed.

OCHA, oo soo xiganaysa tirokoob ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka, ayaa sheegtay in ugu yaraan 4,000 oo kiis oo looga shakisan yahay daacuunka iyo 17 dhimasho oo xidhiidh la leh laga soo sheegay 27 degmo tan iyo bishii Jannaayo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Xinhua.

Waxa ay intaa ku dartay in daadadka ka dhashay roobabka ay saameeyeen in ka badan 1,75,000 oo qof oo ku nool Soomaaliya tan iyo bilowgii xilli roobaadka ee bartamihii bishii March, kuwaas oo 140,000 oo ka mid ah ay barakaceen.

“Haddii roobab mahiigaan ah ay ka da’aan Soomaaliya iyo dhulka sare ee Itoobiya inta lagu jiro xilliga, waxaa la qiyaasayaa in fatahaadaha wabiyada ay saameyn karaan ilaa 1.6 milyan oo qof, iyadoo in ka badan 600,000 ay ku barakici karaan,” OCHA ayaa sidaa ku digtay.

Waxa ay sheegtay in barakaca ugu badan uu ka dhici doono deegaannada kulul ee ku teedsan webiyada Jubba iyo Shabeelle, iyo qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Banaadir, iyadoo horay fatahaado ay uga dhaceen deegaannada Galmudug, Puntland iyo Somaliland.

OCHA ayaa sheegtay in in ka badan 21 qof ay ku dhinteen daadad ka dhacay degmada Baardheere ee dowlad goboleedka Jubaland, kadib roobab xooggan oo da’ay 21-kii ilaa 24-kii bishii March.

Roobabkaan culus iyo daadadka ayaa yimid kaddib shan xilli oo abaar ah oo keenay barakaca in ka badan 1.4 milyan oo Soomaali ah iyo dhimashada 3.8 milyan oo xoolo ah tan iyo bartamihii 2021, ayay tiri hay’adda Qaramada Midoobay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo maanta dooranayo guddoomiyaha guddiga.

Muqdisho(SONNA)-Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa maanta lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho ku doortaan guddoon cusub ka dib markii dhawaan…

GudahaWararka
January 15, 2022

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka XFS oo si weyn loogu soo dhaweeyey dalka Maraykanka

Minnesota(SONNA):-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Gobolka Minnesota ee…

GudahaWararka
October 3, 2025

Wasiir Mukhtaar Roobow oo sheegay in labo sano oo ay maamulayaan adeegga Xajka aanu dhicin shirkad laaluush laga qaatay

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali oo kulan kula yeeshey magaalada Barakaysane ee Makah Almukaramah ee Sucuudi…

GudahaWararka
June 5, 2024

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir oo kulan la yeelatay safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya+”SAWIRRO”

MUQDISHU-(SONNA)- Waxaan maanta lagu qabtay dagmada Shingaani ee obolka Banaadir xaflad loogu mahadcelinayay safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka…

GudahaWararka
October 5, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023