Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
    Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: Wasiirka warfaafinta XFS oo ka warbixiyay howlihii todobaadkan u qabsoomay dowladda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka warfaafinta XFS oo ka warbixiyay howlihii todobaadkan u qabsoomay dowladda
GudahaWararka

Wasiirka warfaafinta XFS oo ka warbixiyay howlihii todobaadkan u qabsoomay dowladda

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 12, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Da’uud Aweys Jaamac oo uu wehliyo Madaxa Hawlgalka ATMIS Danjire Maxamed Al-amin Seuof ayaa ka Warbixiyay hawlihii todobaadkan u qabsoomay dowladda federaalka Soomaaliya.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso:

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha

Muqdisho, Arbaco, 12 April, 2023

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Antonio Guterres uga warbixiyay horumarka laga sameeyay dagaalka lagula jiro Khawaarijta, xaaladda guud ee dalka iyo caqabadaha jira.

2- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Antonio Guterres oo magaalada Baydhabo ku booqday dadka ka soo barakacay dhibaatooyinka Khawaarijta Al Shabab iyo abaaraha.

3- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Antonio Guterres oo dhameystay booqasho laba maalmood uu ku joogay Soomaaliya, ayaa beesha caalamka ugu baaqey in Soomaaliya la taageero, maadaama ay ku taagan tahay dhabbadii horumarka iyo xasilinta dalka.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkan Muqdisho kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Finland Pekka Haavisto.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xerada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Hiil Weyne oo ku taalla Balcad , halkaas oo ay ku jiraan kumanaan askari oo ka qeyb qaadan doona sugidda amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

6- Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya oo meel mariyay xeer lagu xakameynayo hubka lagu dhex sito Muqdisho, tallaabadaas oo qeyb ka ah xasilinta caasimadda.

7- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taageeray go’aanka Golaha Wasiiradda ee xakameynta hubka lagu dhex sito magaalada Muqdisho.

8- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Muqdisho kula kulmay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya, kulankaas oo looga hadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

9- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Muqdisho kula kulmay Danjiraha China u fadhiya Soomaaliya, kulankaas oo looga hadley xoojinta xiriirka labada dal.

10- Ra’iisul Wasaar Xamsa Cabdi Barre oo ugu baaqey ganacsatada inay xoojiyaan maalgashiga ay dalka ku sameynayaan.

11- Golaha Wasiirrada Xukuummada Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta , S/Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

12- Ergayga Madaxweyna Soomaaliya ee dhinaca arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo Djibouti kula kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

13- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kormeer ku tagay degaannada Aw-Qumbaale, Ceel Cad, Canjeel, Harboole iyo Janaay-Cabdalle oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta Al Shabaab.

14- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta xusaya sannadguuradii 63aad tan iyo markii la aasaasay.

15- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tuulooyin ku teedsan Wabi Shabeelle ee Koonfuurta Beled Weyne ka xorreeyay Khawaarijta Al Shabaab.

16- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo shacabka oo is-garabsanaya ayaa hawlgalo lagu baacsanayo Khawaarijta ka fuliyay degaanno ka tirsan Degmada Buulo Burte ee Hiiraan, iyagoo isla markaana burburiyay godad ay Khawaariju ku dhuumaaleysan jireen.

17- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hawlgal ay khasaare ugu geysteen Khawaarijta ka fuliyay tuulada Ceel Juqow oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug.

18- Shir ay ka soo qeybgaleen waddamada Safka Hore oo  looga hadlayey isku-dubaridka bilowga wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

19- Maxkamadda Ciidamada ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntey 14 nin oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.

20- Ciidamada Qalabka Sida ayaa si habsami uu wada hawlagalada lagu sugayo amniga caasimadda, kana hortagey fal dembiyeed la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump

Muqdisho,(SONNA):- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay casho sharaf uu…

September 27, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kooxda Horseed oo ka adkaatay dhigeeda Dekadda, qarkana u saaran inay hanato horyaalka

Muqdisho (SONNA)-Kulan ka tirsan Horyaalka heerka koowaad ee dalka oo ahaa kii ugu dambeeyay ee ay wada cayaarayaan Kooxaha Horseed…

CiyaarahaGudaha
July 22, 2021

Horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Shabeelaha hoose

Marka (SONNA)- Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka fuliyay tuulooyin Hoostaga Bariire…

GudahaWararka
October 6, 2020

Guddoomiyaha golaha Shacabka JFS oo kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka ATMIS

Baydhabo-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane. Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan saacado socday la qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta…

GudahaWararka
January 10, 2023

Wasiir Biixi oo shir ku saabsan dhaqaalaha Afrika uga qaybgalay Marocco

Casablanca (SONNA): Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta ka qeyb galay dood heer keedu sareeyo oo ay…

GudahaWararka
December 10, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023