Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed (Doodishe) ayaa kulan rasmi ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia Mudane Bratislav Gašić.
Kulanka labada Wasiir ayay kaga wada hadleen dib u cusbooneysiinta xiriirkii u dhaxeeyay Booliska labadda dal, gaar ahaan dhinac ee soo bilowday 1963 hase ahaatee dib u istaagay 1992.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Serbia Mudane Bratislav Gašić ayaa sheegay in Serbia ay Soomaaliya ka taageereyso Amniga si ay Dowladda Faderaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay guulo muhiim ah ka gaaraann argagixisada iyo falalka abaabulan ee la xiriira dembiya halista ah.
Labada Wasiir ayaa ku heshiiyay in labada dal ay yeeshaan Iskaashi Amni rasmi inta uusan dhamaan sanadka 2023.