Muqdisho(SONNA)-Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa xilal u kala wareejiyay kusimihii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Abdikarim Ali Afrah iyo taliyaha cusub ee dhowaan la soo magacabaay c General Mahad Abdirahman Adan.
Munaasabadd0a xil wareejinta ah waxaa kasoo qeyb galay xildhibaano iyo saraakiisha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Wasiirka Xasan Macalin ayaa bogaadiyay kusimihii taliyaha ciidanka Asluubta Gen Abdikarim Ali Afrah sida howsha uu u waday intuu uu joogay taliska, sidoo kale wuxuu sheegay in taliyaha cusub General Mahad uu yahay nin shaqadaan yaqaan horena usoo qabtay wax badanaย ay ka filyaan dhammaan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
6 April seddax maalin ka hor ayay golaha Wasiirada XFS waxay u magacaabeen Sareeye Guuto Mahad Abdirahman Adan oo kamid ahaa xildhibanada BFS in uu markale noqdoย taliyaha ciidanka Asluubta