Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Hirshabeelle
Madaxweynaha Dowadda Goboleeeka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen Markuu arkay Qodobka 51aad ee Dastuurka Dowladda Goboleedka Hirshabeelle.
Markuu arkay: Soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda & Arrimaha Garsoorka uu kusoo jeediyay in la magacaabo Guddoomiyaha Makamada Sare ee Dowladda Hirshabeelle.
Madaxweynaha waxa uu Mudane Cabdullaahi Maxamuud Gacal u magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dowladda Hirshabeelle.