Muqdisgo.SONNA…Wasiirka Arrimsha dibadda Soomaaliya XFS Mudane Abshir Haruuse ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminaayey Wasiirka Arrimaha dibadda Dalka Finland Pekka Haavisto oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho .
Kulan kooban oo ay labada Wasiir ku yeesheen Garoonka ayaa waxay isku weydaarsadeen arrimmo la xiriiray xoojinta xiriirka saaxiibtino ee ka dhexeeya labada dal iyo horumarinta barnaamijyada wax ku oolka ah ee lagama maarmaanka u ah ama lagu saacidayo shacabka Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Haruuse ayaa Wasiirka Finland uga warbixiyay halka ay marayaan dadaalada ku aadan Xaaladaha Beni’aadanimada, Abaaraha taagan, horumarka DFS ay ka waddo gudaha dalka iyo howlgalada ku wajahan kooxaha Atgagaxisada,