Muqdisho-(SONNA)-Xuseen Daahir Macallin (Dhageey) iyo Calas Ibraahim Axmed oo ka tirsanaa khawaarijta Al-shabaab ayaa isu soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka dib u xoreynta deegaanka ee ka howlgala degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Horjooge, Xuseen Daahir Macallin oo magaciisa afgarashadu yahay Dhageey oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inuu khawaarijta kaga soo biiray deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan sanadkii 2020-kii, isagoo intaa ku daray inuu ka qeyb qaatay dagaallo ka dhacay Galgaduud.
Dhageey ayaa sheegay inuu u adkaysan waayay dhibaatada ay shacabka ku hayaan khawaarijta iyo fekerkooda gurracan, wuxuuna farriin u diray saaxiibadiis weli ku jira nabad-diidka, isagoo ugu baaqay inay kasoo tagaan marin habaabinta iyo rafaadka ay ku jiraan.
Dhinaca kale, horjooge Calas ayaa isna sheegay inuu kaga biiray khawaarijta degmada Ceel-dheer saddex sana ka hor, wuxuuna intaa ku daray inuu ka mid ahaa jabhad ka dagaallanta gobolka Shabeellada dhexe,ย wuxuuna sheegay inuu adkaysan waayay dhibaatada ay argagixisada ku hayaan shacabka.