Muqdisho-(SONNA)-Isxaaq Cabdiraxmaan Maxamed oo magaciisa Afgarashada Kooxda khawaarijta loo yaqaan (Muscab) ayaa isku soo dhiibay qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Isxaaq ayaa khawaariijta u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan jabhadda , wuxuna sheegey in sababta ku kalliftay in Khawaariijta isaga soo baxo ay tahay markii uu u adkaysan waayay dhibaatada ay u geysaneyaan shacabka masaakiinta ah oo aan waxba galabsanย iyo ka been sheegidda Diinteenna suubban eeย Islaamka.
Isxaaq Cabdiraxmaan ayaa baaq udiray saaxiibbadiisa kale ee ku jira Khawariijta in ay isaga soo baxaan iskuna soo dhiibaan Ciidanka Dowladda.