Muqdisho(SONNA):-Abshir Axmed Macalin oo muddo ka tirsanaa khawaarijta ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada qeybta 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgalla degaannada Maamulka Koonfur Galbeed.
Ninkaan ayaa ka tirsanaa qeybta ay khawaarijtu ย ugu yeerto Jabhadaha, wuxuuna sheegay inuu ka soo dagaalamay qeybo kamid ah gobolka Bay.
Abshir ayaa sheegay inuu u dul-qaada waayey dhibaatada khawaarijta ku heysata Duurk iyo sida ay uga been sheegayaan diinteenna suuban ee Islaamka iyo dhibaatada joogtada ah ee shacabka aan waxaba galabsan ay ku hayaan.
Isa soo dhiibahan ayaa baaq u direy Saaxibadiisa kale ee ku jira Khawariijta in ay isaga Soo baxaan kana faaโiidaystaan cafiska dowladda u fidisay xubnaha ka kasoo laabanaya fikradaha gurracan ee xagjirka.