Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka oo ay wheliyaan Guddoomiye ku xigeenka hay’adda iyo Madax kale oo ka tirsan hay’adda ayaa kulan la yeeshay .
kulankaan oo ka dhacay Xarunta hay’adda SODMA ayaa looga wada hadlay arima la xariira dadka ku barakacay gudaha dalka ( IDPs) sida loo caawin lahaa, iyo sidii ay wada shaqeen dhaw u yeelan lahaayeen labada hay’adood, taas oo taabanayso dhinacya badan.
Ugu danbayn hoggaanka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka qaranka ayaa u mahadceliyay madaxda ka socotaya hay’adda UNHCR booqashada ay ku yimadeen Xatunta SODMA iyo wada shaqaynta ay ballan qaadeen.