Muqdisho(SONNA):-Kooxaha khawariijta ee Al-shabaab iyo daacish ayaa bilaaabay in ay isku qaadaan weeraro joogta sida ay xog ku ogaatay warbaahinta qaranka oo isha ku haysa jabka kooxaha khawaariijta ee joogtada ah,dagaaladan ayaa ka dhacay Buuraha Golis ee waqooyi Bari Soomaliya toddobaadkii la soo dhaafay.
Sida ay ogaatay warbaahinta qaranka dagaaladan ayaa waxa bar bar socday weeraro is qarxin ah,maalinimadi isniintii toddobaadkii hore waxa uu weerer ku bilowday is qarxin ka dhacay Buurta Carmiska halkaas oo ay isku abaabulayeen koox ka tirsan Khawaariijta Al-shabaab balse ay weerer kusoo qaaday kooxda Daacish.
Weerarkan ayaa waxa ku geeriyooday 3 horjooge oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta Al-shabaab waxa sidoo kale ku geeriyooday 40 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab weerarkan ku bilowday qaraxyada ayna fulisay kooxda Khawaariijta ah ee daacish.
Kooxaha khawaariijta oo la kulmay jab iyo culays xooggan ayaa dhexdooda bilaabay in ay isku caro bururaan isna beegsadaan tan oo ka dhigan in ay faashilkooda qolo ba rabto in ay qolo kale kaga aarsato dushana u saarto.
Kooxdakhawaariijta ee daacisha ayaa hore uga tirsanaan jirtay kooxda khawaariijta Al-shabaab,tan iyo intii dowladda Soomaliya kooxa khawaariijta ku qaaday hawlgalo ciribtir ah waxa sii xoogaysanaya burburka dhan walba leh ee gaaraya kooxaha khawaariijta ka dib markii ay luntay kalsooni beenaadkii ay hore ugu wada shaqaysan jireeen.
Kooxaha khawaariijta ayaa dhexdooda waxa ka jira kala shaki xooggan iyadoo la arkayo horjoogayaal ka aargoosanaya horjoogayaal kale ooh ore u dhibaateeyey wakhtiyadii khawaariijta tamarta lahayd.