Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisulwasaaraha XFS ayaa sheegay in sannadkii 850,000 tan oo kalluun ah laga soo saari karo dalkeenna, Soomaaliduna ay haatan lasoo baxdo oo keliya inta u dhaxaysa 30,000 illaa 50,000 oo tan.
Ra’iisulwasaare ku xigeenka oo ka hadlayay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ayaa sheegay in ka Xukuumad ahaan ay xoogga saari doonaan ka shaqaynta hufnaanta siyaasadda iyo hir gelinta barnaamijyo kor loogu qaadayo xirfadaha muwaaddinka Soomaaliyeed, si aynu ula soo baxno khayraadkeenna.
Ra’iisulwasaare ku xigeenka ayaa sababta ugu wayn ee kalliftay inaysan bulshada Soomaaliyeed ka faa’iideysan kheyraadkeeda ku tilmaamay xirfad yari, wuxuuna sheegay inay xukuumaddu xoogga saari doonto sidii taasi looga gudbi lahaa, loona samayn lahaa fursado shaqa abuur.
Dhinaca kale, mar uu Ra’iisulwasaare ku xigeenku ka hadlayay arrimaha amniga ayuu sheegay in horumar ballaaran laga sameeyay dagaalka lagula jiro khawaarijta, isagoo tusaale usoo qaatay goobihii ay argagixisadu wax ku dili jirtay ama ay weerari jireen ka hor xukuumadda Dan-Qaran.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa yiri” Haddii Khawaarijta aan Magaalada Muqdisho isku dili jirnay, oo suuqa Soobe ay dad nagaga dili jireen, hadii ay hoteellada soo geli jireen, maanta waxaan isku haynaa Galhareeri iyo duleedka, Ceel buur iyo Jannaay Cabdalle”.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa ugu dambayntii sheegay in halka ay wax ka hagaagi karayaan ay tahay in lala yimaaddo siyaasad hufan iyo kalsooni dhis, wuxuuna ballan qaaday inay xukuumaddu ka go’an tahay inay la timaaddo siyaasad cad, iyadoo kaashanaysa bulshada Soomaaliyeed.