Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dowladda Soomaaliya oo dagaal ku qaaday Mukhaadaraadka (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda Soomaaliya oo dagaal ku qaaday Mukhaadaraadka (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Dowladda Soomaaliya oo dagaal ku qaaday Mukhaadaraadka (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: March 22, 2023
8 Min Read
Share

Maadaama ay Dalka ku soo bateen waxyaabaha maanka Dooriya ayay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ay soo saartay Awaamiir ujeedkoodu yahay in lagu xakameeyo qaabka isticmaalada dawooyinka sida qaldan loo isticmaalo, oo ay Wasaaraddu sheegtay in lagu yareynayo waxyeellaada caafimaad ee ka dhalan karta.

Qoraal ay soo daartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa si faahfaahsan uga hadlay waxayaabaha amarkaasi ku saabsan yahay axayna qoraalkeeda ku bilowday โ€œiyadoo laga duulayo waxyeelada caafimaad darro iyo midda amni ee ka dhalata si xun u isticmaalka daawooyinka ay tahay in la-xakameeyo kuwaasi oo maanka iyo dhimirka saameeya, ayaa Wasaaraadda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey soo rogtay go’aano iyo awaamir lagu xaqiijinayo hubinta caafimaadka iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed.โ€

Awaamiirta waxaa kaloo ku jira oo ay Wasaaraddu tilmaantay in la billaabay in si ku-meel gaar ah loo diiwaangelinayo dhaqtarka qori kara daawooyinka la xakameeyo iyo dawo yaqaanka bixin kara daawooyinkaas, waxayna Wasaaradda fartay dhammaan Istibaallad Danta guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee dalka, inay soo gudbiyaan ugu badnaan liiska 5 dhaqtar oo leh takhasus iyo waayo aragnimo dhan 5 sano, kadibna dhaqtarkii buuxiya shuruudaha lagama maarmaanka u ah, ay wasaaraddu siin doonto diiwaangelin ku meel gaar ah oo la xiriirta qorista daawooyinka la xakameeyo si waafaqsan nidaamka qorista daawooyinkaas oo afka qalaad lagu yiraa (Controlled Substances License).

Wasaaradduu waxay ka digtay in dhaqtarkii qora daawooyinka la xakameeyo asigoo aan haysanin diiwaangelinta qorista daawooyinka la xakameeyo, uu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi, iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaalla, waxaa kaloo ay Wasaaraddu ka digtay in uu fal-damibyeed ku dhici doono dhaqtrakii qora xaddi ka baxsan intii loogu talo-galay daaweeynta xanuunka uu ka cabanayay bukaanka, kuna cadaato inuu u siiyay bukaanka dawo kale.

Wasaaraddu waxay faraysaa in si loo hubiyo bixinta iyo keydinta daawooyinka la xakameeyo, waxay isbitaal kasta fartay inuu soo gudbiyo labo dawo-yaqaan ama labo xirfadle oo aqoon durugsan u leh bixinta iyo keydinta daawooyinka u baahan in la xakameeyo, kadib marka ay soo buuxiyaan shuruudaha laga rabo, kuwaasi oo Wasaaradda ay siin doonto diiwaangelin ku-meel gaar ah, waxayna Wasaaraddu uga digtay in qofkii lagu arko daawooyinka la xakameeyo, asigoo aan haysan warqadda Dhaqtarka uu soo qoray dhaqtar ruqsad u haysta qorista daawooyinkaasi, uu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi, iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaalla.

โ€œDhammaan ganacsatada keenta daawooyinka ay tahay in laxakameeyo, waa inay ruqsadda khaas ah ka qaataan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, DFS,โ€ ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.โ€œHaddaba Ganacsadihii soo dajiya ama dhoofiya daawo ka mid ah daawooyinka la xakameeyo asigoo aan ruqsad ka haysan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada DFS, waxuu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi, iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaala.โ€

Ugu dambeyntii Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay sidoo kale mamnuucday in lagu iibiyo dhammaan daawooyinka la xakameeyo (Controlled Substances) farmashiyayaasha tafaariiqda gada, iyadoo aan oggolaansho laga haysan Wasaaradda, laga bilaabo 21/04/2023.

Tilaabadaan ay qaaday Dowladdu waxay tahay mid loo baahnaa, kuna soo aaday waqtigii loo baahanaa, waayo tan iyo dhiciddii Dowladdii dhexe ee Dalka 1991-kii, waxaa dalka ka socday nidaam iyo kala dambeyn laโ€™aan sababtay in qof walba waxa uu doono sameeyo, dalkana keena waxa walba maadaama uusan jirin hubin waxa soo gala iyo waxa ka baxaya, taasi oo sababta in lagu beero ama lagu sameryo dalka gudahiisa Mukhaararaad kala duwan, taasi khal khal galin kara ammaan guud ee Dalka iyo fasahaad Bulsho.

Bilahaan dambe waxaa Magaalada Myuqdisho ka socday Howlgallo lagu sugaayo ammaanka iyo waxa sababa ammaan darrada, waxayna howlgalkii ugu dambeeyay ay Ciidamada Booliska gobolka Banaadir ay saldhiga degmada Kaaraan ku soo bandhigay Jawaano Xashiish ka buuxaan,calaq iyo waxyaabo kale oo ay ku jiraan daawooyinka maanka dooriya ah, iyadoo ay Ciidamada ay maalmihii u dambeeyay wadeen howlgalo ka dhan ah dadka beerta, kuwa soo daabula, dadka iibiya iyo kuwa isticamala waxyaabaha mukhaadaraadka ah.

Taliyaha hoggaanka dhaqanka iyo Diinta ee ciidanka booliska Soomaaliya Korneyl Mire Axmed Mataan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay joogto u baacsan doonaan maan-dooriyaha iyo dadka ka ganacsada, iyadoo dhinaca kalena Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Doondishe uu dhankiisa sheegay in howlgallo saddex weji leh ay ka socdaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo kala ah howlgalka la dagaallanka mukhaadaraadka, howlgalka la dagaallanka burcadda hubeysan iyo howlgal kale oo lagula dagaallamayo kooxda Khawaarijta, waxaana caddeeyay in Howlgalladii ugu dambeeyay lagu soo qabtay ilaa 10-eedeysane oo lagu soo qabtay baaritaano laga sameeyay xaafadaha bartamaha iyo galbeedka gobolka Banaadir.

Howlgalkaan ayaa horseeday in labadii todobaad ee u dambeeyay lagu soo qabqabto kooxaha ka ganacsada Daroogada iyo kuwa Isticmaala, waxaana falalkaan ay horseedeen inay xirmaan san-daqadihii iyo goobihii kale ee lagu iibin jiray waxyaabaha maanka-dooriya, iyadoo Warshaddii ugu weyneyd oo ku tiil Deegaanka gubadleey la burburiyay, waxaa kaloo jira in hadda ay soo food saartay Dhalinyaradaa cabsi xooggan, kuwaasoo qaarkood la sheegay in ehelkooda ay u dhoofiyeen Dalalka Kenya & Ethiopia, Dhalinyaradaan xaafadaha magaalada Muqdisho oo ay ku lahaayeen goobo gaar ah oo lagu iibin jiray waxyaabaha maanka-dooriya sida xashiishhka, calaqa, taabuuga iyo sidoo kale noocyada daroogada (Herion iyo Cocain) ay isticmaalaan dhallinyarada qaar.

Aamina Maxamed oo ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed oo Gabadheedda lagu waxyeelay Mukhaadaraadka ayaa ku calaacashaay ” Dowladda waxaan halkaan uga mahadcelinayaa tallaabadaan wanaagsan ay qaaday waxaana ka sii rabaa inay fuliso ay Dalka ka mamnuucdo Daawooyinka loo isticmaalo Daroogo ahaanta, taasi oo lagu waxyeeleeyo Gabdheenna, laguna halleeyo mustaqbalkooda, xitaa qaar yaa ku naf waayay Daawooyinkaasi Maandooriyaha ah”

Haddaba waxaa dhihi karnaa Dowladda Soomaaliya waxay qaaday tallaabo loo baahnaa iyo waqti ku habboon, waayoo waxaa Dalka ku soo badanayay waxyaabaha maanka dooriya, kuwaasi oo fasahaadin kara dhallinyarada Soomaliyeed oo ah cududda Dalka ugu firfircoon, islamarkaana ah mustaqalka Dalkaan, waxaana Dal horumariya dadkiisa, sidaasi awgeed waxaa loo baahan yahay in Dowladdu hubiso waxa Dalka soo galaya iyo meelaha kale ee laga heli karo dhammaan mukhaadaraadka nooc kasta uu leeyahay, si loo helo dhallin caafimaad qabta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Nairobi Shir uga qayb galay

Nairobi(SONNA):-Wafti uu hoggaaminayey Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdixakiin Xasan Ashkir ayna ka mid…

GudahaWararka
August 23, 2024

Ra’iisul wasaare Rooble oo kullan Foggaan-aragga ah la qaatay Masuuliyiinta Soomaaliya ku matalaysa ICJ

MUQDISHO (SONNA)- Raโ€™iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed xuseen Rooble ayaa kulan dhiirrigelin ah habka fogaan aragga kula yeeshay wefdiga DFS…

GudahaWararka
October 10, 2021

Madxwayne Waare oo magacaabay 4 xubnood oo Hir/Shabeelle ku matalaya gudiyada doorashada heer faderaal

Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa noqotay maamulkii u dambeeyey ee ku dhowaaqa liiska xubnaha ku metalaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka…

GudahaWararka
October 25, 2020

Wasiirka Qorsheynta XFS oo dhagax dhigay mashaariic laga hirgalinaayo Dhahar

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa dhagax dhigay goob loogu talagalay garoon diyaaradeed oo qeyb ka ah mashruuc…

Gudaha
January 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023