Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha golaha shacabka , Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in xukuumaddu ay ku guuleysatay shaqo muuqato oo dalka laga qabtay, wuxuuna ugu mahadceliyay sida ay ugu go’an tahay isla xisaabtan iyo daah-furnaan.
Guddoomiyaha oo ka qeyb-galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ayaa ballan qaaday in waajibaadkooda isla xisaabtanka ay gudan doonaan maaddaama ay xukuumaddu iyadu hor kacayso.
“Xukuumaddu waxay ku guuleysatay shaqo muuqata oo dalka laga qabtay, waxaan uga mahadcelinayaa sida ay uga go’an tahay isla xisaabtan iyo daah-furnaan” Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si amniga caasimadda loo sugo xukuunadda Dan-Qaran ku boorriyay in la ballaariyo deegaanka si ay mas’uuliyiintu u deganaan xaafadaha fog-fog ee daafaha xiga.
“Isla xisaabtankii sharciga ahaa oo dastuuriga ahaa oo waajibaadkanaga ahaa ayaan gudaneynaa annagoo mataleyno shacabkanaga Soomaaliyeed” ayuu yiri guddoomiyuhu.