Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta, Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir ku saabsan wada tashiga Qaran ee Hindise sharciyeedka diiwaan gelinta madaniga ah iyo Tirakoobka dhacdooyinka muhiimka ah.
Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Caydaruus M. Xasan iyo masโuuliyiin ka socota maamul goboleedyada, gobolka Banaadir iyo bulshada rayidka ah.
Wasiir Fiqi ayaa ugu horreyn ka hadlay ahmiyadda kulanka, wuxuuna sheegay in Hindise sharciyeedkan uu nidaaminayo mid ka mid ah adeegyada asaasiga ah ee ay Dowladdu bixiso ee dad-dhigista sida (dhalashada, guurka, furiinka, carruur korsashada, dhimashada, diiwaan gelinta qoyska, deggenaashaha iyo arrimo kale).
Wasiirka Fiqi, ayaa yiri โ Hindise sharciyeedkan oo diyaarintiisu ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha wadday muddo dheer, waxaa uu ka mid yahay dedaallo badan oo wasaaraddu galisay sidii dalka uu uga hanaqaadi lahaa nidaam diiwaan gelin madaniya oo casri ah,
Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa sheegayย in Hindise sharciyeedkan uu hagayo siyaasadda Qaran ee diiwaan gelinta madaniga ah iyo tirokoobyada dhacdooyinka muhiimka ah si waafaqsan shuruucdii hore ee dalka, kuwaas oo dowladaha hoose ay gundhig u yihiin bixinta adeegan kaalinta dowladda federaalkuna uu u qeexan yahay si waafaqsan heshiiskii awood qeybsiga ee golaha wada tashiga Qaran.
Wasiirka ayaa ka qeybgalayaasha kulankan wada tashiga ah kula dardaarmay in inta uu shirka socdo ay wax ku daraan, saxaanna si wada tashigan oo kama dambeys ah kadib loogu gudbiyo Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka gudan doona waajibaadka dastuuriga ah.