Muqdisho-(SONNA)-Maanta oo ay taariikhdu tahay 21.Maarso.2023, waxaa kulankoodii koowaad yeeshay hay’adaha dib-u-eegista Dastuurka ee heer federaal oo kala ah Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Guddiga dib u eegista iyo la-socodka hirgelinta dastuurka iyo guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka.
Ujeeddada kulankan oo ahaa isbarasho iyo is-xogwareeysi xubnaha hay’adaha dhaxdooda ah ayaa isbarasho kadib waxaa diiradda lagu saaray howlaha hortabinta leh ee horyaala si loo dhameystiro Dastuurkan qabyada ah.
Dhammaan xubnihii ka qaybgalay kulanka oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macalin Maxamuud iyo Guddoomiyaha guddiga dastuurka Baarlamaanka FS xildhibaan, Xuseen Iidoow ayaa isku raacay inay muhiim tahay in labada guddi iyo Wasaaraddu si dhaqsa ah u howlgalaan ayna kala saxiixdaan heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay kuwada shaqayn jireen.