Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr; Cali Xaaji Aaden iyo la-hawlgalayaasha Caalamiga ee hindisaha ciribtirka cudurka dabaysha (GPEI), oo ay ku jiraan Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), UNICEF iyo CDC Ameerika ayaa si wadajir ah u daah-furay qorshaha waxqabadka deg-degga ah ee ciribtirka dabeysha.
Isku-dubaridka dedaallada ciribtirka Cudurka dabeysha ee ku aaddan yoolalka nidaamka Caafimaadka loo dhan yahay ayaa Soomaaliya si toos ah uga billaabanaya guud ahaan, taas oo lagu sii xoojinayo adeegga bixinta tallaalka joogtada ah.
Dhanka kale, waxaa dhinac socon doona nidaamka la socoshada Cudur goobka ee baaritaannada shaybaarada iyo la socodka Cudurrada looga hortagi karo tallaalka maadaama ujeeddadu tahay xakameynta faafitaanka cVDPV2, si goor hore looga jawabo xaaladaha deg-degga ah.
Arrintan ayaa horseedi karta ka jawaabista wax kasta oo mustaqbalka ah ee ku saabsan dabaysha iyo cudurrada kale ee laga hortagi karo ee ka jira dalka isla markaana dhibaato ba’an ku haya Bulsha waynta Soomaaliyeed, dhaqangelinta qorshaha kala guurka ee dabaysha ayaa noqonaya tallaabadii ugu fiicnayd abid maadaama Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ay muhiimad gaar ah u lee dahay babaadinta Jiilka mustaqbalka dhow iyo kan fogba.
Dadaalladani waxa ay Soomaaliya ka taageeri doonaan sidii ay u gaari lahayd una waafajin lahayd shaqada hadda jirta ee ciribtirka dabaysha iyo himilooyinkeeda horumarinta qaranka sida Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP) –9, khariidad lagu gaaro caymiska Caafimaadka Caalamiga ah, Xidhmada Aasaaska Adeegyada Caafimaadka (EPHS) 2020, ajendaha 2030 ee horumarinta Joogtada ah iyo ajendaha tallaalka ee 2030-ka.