Muqdisho.(SONNA): Ciidamada Booliska gobolka Banaadir ayaa saldhiga degmada Kaaraan ku soo bandhigay Jawaano Xashiish ka buuxaan,calaq iyo waxyaabo kale oo ay ku jiraan daawooyinka maanka dooriya ah.
Ciidamada ayaa maalmihii u dambeeyay waday howlgalo ka dhan ah dadka beerta, kuwa soo daabula, dadka iibiya iyo kuwa isticamala waxyaabaha mukhaadaraadka ah.
Taliyaha hoggaanka dhaqanka iyo Diinta ee ciidanka booliska Soomaaliya Korneyl Mire Axmed Mataan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay joogto u baacsan doonaan maan-dooriyaha iyo dadka ka ganacsada.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Doondishe ayaa dhankiisa sheegay in howlgallo saddex weji leh ay ka socdaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo kala ah howlgalka la dagaallanka mukhaadaraadka, howlgalka la dagaallanka burcadda hubeysan iyo howlgal kale oo lagula dagaallamayo kooxda Khawaarijta.
Howlgalladii ugu dambeeyay waxaa lagu soo qabtay ilaa 10-eedeysane oo lagu soo qabtay baaritaano laga sameeyay xaafadaha bartamaha iyo galbeedka gobolka Banaadir.