Muqdisho (SONNA) Wafdi uu horkacayo Guddomiyaha Hey’adda Mareynta Masiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Abdulle oo booqasho kujooga Caasimadda maamulka Puntiland ee Garowe ayaa kulan laqaatay madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxwaynaha puntiland.
Kulanka ayaa looga wadahadalay xaaladaha Bani’aadannimo ee ka jira deeganada Puntland gaar ahaan xaladaha ay ku sugan yihiin sugan yihiin dadkii ka soo barakacay colaadaha Magaalada Laascanood ee Gobolka Sool.
Sidoo kale, waxay labada dhinac isla garteen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhagaxdhigo xarunta Howlagalada Gurmadaka deg deg ah taasoo shaqadeedu tahay lataaclida xaaladaha deg deg ah ee dalkeena.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Dowlad goboleedka Puntland .