Muqdisho (SONNA) Wasiirka Awqaafta ee dalka Masar Drohamed Mukhtar Juma, ayaa maanta soo xiray aqoon isweydaarsi loo qabtay wafuud ka kala socotay warbaahinada dowladaha Islaamka oo Soomaaliya ay ku jirto Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.
Mudadii 10 maalmood ahayd ee uu socday dood cilmiyeedkaan, waxaa looga hadlayay dowrka warbaahintu ay ku qaadn karto dhinca horumarka, nabadda, dowlad wanaagga iyo in bulshada islaamku ay ka fogaadaan ficillada la xiriira xagjirnimada.
Dalalka ka qeyb galay waxaa kamid ah Soomaaliya, Masar, Suudaan, Algeria, Liibiya, Sucuudiya, Cumaan, Yemen iyo Chad.