Muqdisho (SONNA): Ugu horrayn golaha aqalka sare ayaa gudagalay ansixinta hindise sharciyeedka dhowrista xogta, kadib markii gudddigii ka soo shaqeeyey ay Sanatarrada la wadaageen xogta aqrinta 2-aad iyo sida ay isu waafajiyeen aragtida Sanatarrada, waxaana codka kalsoonida siiyey 30 Senetor, wax diiday iyo cidย ka aamustana ma jirin.
Intaas kadib waxaa la guda galay Akrinta labadaad ee sharciga Socdaalka Soomaaliyeed iyo sharciga horumarinta Iyo Maareynta Kaluumaysiga Soomaaliyeed. waxaana dood iyo falanqayn kadib la isla qaatay in labadaas sharci oo muhiim gaar ah leh isla maanta la meel mariyo soo jeedin katimid Senetorrada, iyadoo la go’aamiyey ajende cusub oo lagu ansixinayoย hindise sharciyeedka socdaalka Soomaaliyeed iyo hindise sharciyeedka horumarinta iyo maaraynta kalluumaysiga Soomaaliyeed, waxaana ogolaaday meel marinta labadaas sharci 31-Senetor hal Sanatar ayaa ka aamusay wax diidayna ma jirin.
Kulanka golaha oo maanta ahaa fadhiga 25-aad iyo 26-aad, waxaa gudoomiyey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee aqalka sare mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyey guddoomiye ku xigeenka 2-aad mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde)