SONNA-Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay mid ka mid ah gantaalada riddada dheer ee isaga gudbah qaaradaha oo loo yaqaan (ICBM) saacado ka hor inta aysan wada-hadallo taariikhi ah yeelan hoggaamiyeyaasha Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.
Gantaalkaan ayaa noqonay kii afraad ee ay Pyongyang tijaabiso toddobaad gudihiis,waxaana uu ku soo beegmayaa xilli Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay si wadajir ah u sameynayaan dhoolatus ciidan oo dhanka badda ah.
Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed waxa ay dhoolatusyo ka wadeen gacanka Kuuriya – oo ah xulafada ugu weyn muddo shan sano ah,Kuuriyada Waqooyi ayaa marar badan sheegtay in ay dhoolatusyada noocaan ah ay u aragto daandaansi.
Gantaalka ayaa subaxnimadii hore ee Khamiista laga soo tuuray Pyongyang oo ku taal xeebta bari ee Kuuriyada Waqooyi, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha ciidamada ee Kuuriyada Koonfureed.
Wasaaradda difaaca ee Japan ayaa xaqiijisay in nooca ICBM uu yahay,waxayna sheegtay in laga soo tijaabiyay meel ka sarreysa 6,000 km isagoona ku dhacay meel ka baxsan Aagga dhaqaalaha gaarka ah ee dalka Japan,Saraakiisha ciidamada Japan ma aysan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay gantaalka.
Mr Yoon ayaa amar ku bixiyay in ay sii wadaan militariga dalkiisa dhoolatuska wadajirka ah ee Mareykanka ay la sameynayaan sida loo qorsheeyay,gantaalka Kuuriyada waqooyi ee loo yaqaan ICBM oo ay tijaabisay ayaa abuuray kulan degeg ah oo ay iskugu yimaadan dalalka ku bahoobay G7 iyo Qaramada Midoobay waxaan lagu cabaariyay falka ay Pyongyang ku dhaqaaqday ee tijaabada gantaalka ICBM loo yaqaan,labada dal ayaa sheegay in ay isugu yeeri doonaah golayaasha Amniga ka dib markii Pyongyang ay hawada u dirtay toddobaad gudihiis gantaalkii afaraad oo tijaabo ah.
Kuuriyada Woqooyi ayaa horumarin ka sameysay istaraatiijiyadeeda hubka Nukliyeerka iyadoo u Kim Jong-un, kormeeray qaybo badan oo ka mid ahaa dhowr barnaamij oo lagu hormarinayay madaxyada xanbaarah hubka Nukliyeerka.