Baydhabo-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud ee Magaalada Baydhabo kusoo dhoweeyey Wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane, Xamse Cabdi Bare oo ay qeyb ka ahaayeen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Socdaalka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdigiisa ee Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka Shirka Madasha Wadatashiga qaran oo lagu wada in maalinta berri ah uu ka furmo Magaalada Baydhabo ee caasimadda Gobolka Baay.