Muqdisho.(SONNA):- Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa ku jabay dagaalka tooska ah ee ay la galeen ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga dib u xoreynta, waxaana Alle mahadiisa ah in hadda deegaannadii laga xoreeyay argagixisada shacabka ku dareemayaan nabad, xasillooni iyo horumar.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), ayaa qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa facebooka ku sheegay in dagaalka Khawaarijta uu mideeyay Dowladda, shacabka iyo saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya taageera.
โHoggaanka Qaranku, waxa uu ku mideeyay Dagaalka Khawaarijta, saaxiibadeenna caalamka, Hayโadaha Dawladda, Dawlad-goboleedyada, Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed, waxeey ku timid, faham, talaysi iyo tanaasul,โ.
Sidoo kale, dagaalka tooska ah ee lala galay Khawaarijta ee ka dhacay Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland uu ku qasbay in ay kala firxadaan, kana cararaan deegaananadii muddada badan ay dadka shacabka ah ku dhibaateyn jireen, intooda badanna isku soo dhiibaan ciidamada dowladda ka dib markii ay u adkeysan waayeen nolosha ciriiriga ay ku wajahayaan dhulka howdka ah ee dantu biday in ay uga dhuuntaan rasaasta iyo duqeynta cirka ee sida joogtada ugala kulmayaan ciidamada xoogga, dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah.
Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Shacabka Soomaaliyeed ayaa guul waa weyn ka gaartay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta hadda waa nabad, waxaana ciidamada qaranka ka goโan in ay sida uga dhaqsiyaha badan u soo afjaraan halista Khawaarijta.
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa magaalooyin badan oo ka tirsan dalka u tegey dib-u-xoreynta deegaannada ku jira gacanta Khawaarijta ee ay ku dhibaateynayaan Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna rejo wanaagsan ka muujiyay in muddo gaaban lagu soo afjari doono kooxda Khawaarijta Al-shabaab oo hadda gabalkooda sii dhacayo.
Madaxweynaha ayaa Golaha Wasiirrada Jubbaland la wadaagay qorsheyaasha dowladda Federaalka ee dardarย galinta wejiga labaad ee howgalka dib u xoraynta dalka oo dhawaan ka billaabanaya deegaannada Jubbaland iyo Koonfur-galbeed, isagoo rejo wanaagsan ka muujiyay in waqti dhow uu bilaaban doono wejiga labaad ee howlgalka ciribtirka Khawaarijta.
Dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kalsooni badan ka qabtay in hiigsigani yahay mid laga dhabbayn doonno sabab la xiriirta isbaddallada cadcad ee siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo amni ee uu ku hoggaaminayo dalkeenna.
Ugu dambeyntii, iyadoo la kaashanayo dhammaan bah-wadaagta caalamiga ah durba waxaa horumar wax-ku-ool laga sameeyay qorshaha cusub ee dhammaystiran ee ย argagixisada Al-Shabaab lagula dagaallamayo – militari ahaan, dhaqaale ahaan iyo caqiido ahaan.