Muqdisho (SONNA) Dab damiska Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku guulleystay in la damiyo dab xooggan oo galinkii dambe ee maanta ka kacay Isbitaalka Demartino ee Magaalada Muqdisho.
Agaasimaha Isbitaalka Demartino, Dr Cabdirisaaq Jalaalu-diin Yuusuf oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in dabka uu ka kacay qeybta qaliinka ee Isbitaalka, xilli uu qaliin ku socday mid kamid ah Bukaannada.
Agaasime Cabdirisaaq ayaa xusay in lagu guulleystay in la damiyo dabka, iyada oo ay ku dhaawacmeen saddex kamid ah Shaqaalaha Isbitaalka Martiini.
Dabka ayaa ka dhashay ka dib markii ay qaraxday mid kamid ah haamaha Oxysigen ee yaallay Saalada Qalliinka.
Sidoo kale, Agaasime Jalaalu-diin ayaa sheegay in shaqada isbitaalka ay dib u soo laabatay, isla markaasna ay wadi doonaan howsha ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.