Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Baraaruga Bulshada oo gaarsiiyey khawaariijta jab xooggan
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Baraaruga Bulshada oo gaarsiiyey khawaariijta jab xooggan
GudahaMaqaalladaWararka

Baraaruga Bulshada oo gaarsiiyey khawaariijta jab xooggan

By SB
Last updated: March 6, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Baraaruga Bulshada oo gaarsiiyey khawaariijta jab xooggan

In muddo ah waxaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhib iyo handadaad ku hayay Kooxda caadeysatay daadinta dhiigga dadka muslimiinta,ayagoo u aaba yeelleynin waayeel,indheer-garad, Culummo, Carruur iyo Haween midna, waxayna in muddo ah ku ganbanayayeen magaca diinteenna Islaamka ah ee Xurmeysa dhiigga Islaamka,waxay kooxdaan khawaarijta ku dhuumaleysanayeen in ka badan 10-sano inta badan gobollada koonfurta sida Hirshabeele, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Muddooyinkii dhexe waxay ku bilaabeen Ganacsata in ay ka qaadaan lacago baad ah oo u diiday dadka Soomaliyeed horumar iyo in ay wax qabsadaan ugu dambeyn waxay gaareen in ay dadka ku qasbaan fikradooda guracan ee takfiiriga ah, waxay si qasab ah u marin habaabiyeen dadka wax magaratada ah iyo kuwa dhimirka laโ€™, ayagoo isticmaalayay dhagridda Shacabka,duruufaha ay ku hayeen xoola dhaqatada `Beeraleyda iyo Ganacsatada,waxay sababeen kacdoon Shacab oo ay isaga dul qaadayaan heeryada Kooxdan Khawaarijta ah ee dhaqanka Islaamka ka been abuurtay.

Waxaa isbiirsaday baraaruga shacaka iyo tageerada Ciidanka Qalabka sida, ayadoo laga dhabeynayo Siyaasadda Madaxweyne Xasan sheekh ee la dagaalanka Khawaarijta, waxaa guluf dagaal mar qura ka bilowday dabayaaqadi Bisha July ee Sandkan 2022, ayadoo dagaalada dib u xorreynta ah ay ka dhaceen magaalooyin waawayn iyo tuulooyin ka tirsan maamulada Gal-mudug iyo Hir-shabelle.

Halganka Shacabka iyo taageerada ciidanka waxay sababtay in laga saaro kooxda khawaarijta magaalooyin waawayn oo ay xoog ku heysteen 10kii sano ee ugu dambeeysay, kooxaha khawaarijta waxaa soo gaaray Jab-xoogan tan iyo markii la doortay Md. Xassan Sheekh maxamuud, waxay waayeen mintidiin badan kuwana waxaa lagu qabtay nolosha qaar-badan oo ka mid ahna ay isa soo dhiibeen.

Howl-galka sifeynta iyo Xorreynta, waxaa lagu dilay horjoogayal waa wayn oo ka tirsan dhagar-qabayaasha kooxda khawarijta ah ee Al-shabaab.

Waxaa laga xorreyay magaalooyin iyo tuulooyin waaweyn oo ka tirsanaa Hir-shabeelle,Galmudug waxaa xor ah hadda oo la isugu gudbi karaa magalooyinka Jowhar, Balcad, Mahadaay, Cadale, Warshiikh, Raage-Ceele, Aadan Yabaal,Ruun-Nirgood,Ceeldheer iyo Xarardheere oo ah degmadii ugu dambeeyay ee lagu xorreeyo khawaarijta ee gobalka Mudug, waxaa sidoo kale laga xoreeyay degmooyin ka tirsan gobalka Hiiraan sida Ceel-Hareeri,Moqokori,Buulaburte Matabaan iyo Yasooman oo ah dhul aad u baaxad wayn oo ka tirsan gobalka Hiiraan, waxaa sidoo kale laga xorreyay degmooyin ka tirsan Galmudug sida Wabxo, Wisil iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug,waxaana maalmaha soo socdo laga ciribtiri doonta degaannada fara ku tiriska ay ka joogaan Galmudug.

Booqashooyin dhiirigelinta oo ay ku tageen madaxda qaranka deegannadii laga xorreyay kooxda Khawaarijta. Dagaalka Khawaarijta lala galay kaliya maaha midka deeganada waxaa sidoo kale dowlada gacanta ku dhigtay Shabakado iyo koox qaabilsanaa baadda laga qaadi jiray Ganacsatada Soomaliyeed,waxaa dabagal joogta ah lagu hayaa shakhsiyaad iyo shirkado xiriir dhaw la lahaa kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Dowladda uu hoggaamiyo madaweyne Xasan Sheekh waxaa ka goโ€™รกn la dagaalanka khawaarijta Al-shabaab iyo ciribtirkooda,waxayna hadda shacabka degaannada laga xoreeyay gacanta cadowga ay dareemayaan nabad iyo barwaaqo, sidoo kale, waxay ku faraxsan yihiin in ay muddo 10-sano ka badan ka dib, harsadaan dallada harka qabow ee dowladnimada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan la qaatay golaha malaaqyada Koonfur-galbeed

Baydhabo(SONNA):-Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Golaha…

GudahaWararka
December 15, 2022

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wasiir dowlaha arrimaha dibadda Imaaraatka Carabta

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru-Dowlaha…

GudahaWararka
August 27, 2025

Guddoomiyaha SODMA oo kulan la qaatay Culimada Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Dalladda Culimada Soomaaliyeed…

GudahaWararka
December 4, 2025

Taliska Ciidanka Xoogga oo faahfaahiyay qarax fulaynimo oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odaywaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in Ciidamada oo…

GudahaWararka
June 18, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023