Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Soomaaliya  oo guday qeyb kamid ah abaalkii ay u galeen walaalaha Turkiga (warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya  oo guday qeyb kamid ah abaalkii ay u galeen walaalaha Turkiga (warbixin)
GudahaMaqaalladaWararka

Soomaaliya  oo guday qeyb kamid ah abaalkii ay u galeen walaalaha Turkiga (warbixin)

By Abdulkadir
Last updated: March 6, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Soomaaliya oo kaashanaynsa shacabka Soomaaliyeed ayaa dowladda Turkiga ku wareejisay ku dhawaad shan malyan oo Dollar oo ay ku caawinayso dhibanayaasha Turkida oo dhibaato kasoo gaartay Dhul gariirkii ku dhuftay dalkaas dhowaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hore 16 February u magacaabay Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhul Gariirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye oo ka shaqeyn doona sidii ay u muujin lahaayeen taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin walaalahooda Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo garoowsan sida Turkigu ay ugu soo gurmadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xilligii adkaa ayaa go’aamiyey in maanta aysan ka harin dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed garab istaagga caalamiga ee loo fidinayo dalka Turkiga oo ay ku habsatay musiibo ballaaran.

Soomaaliya oo ku suntaneed in muddo ah dal la caawiyo markay dhibtooyin ka dhacaan ayaa hadda u muuqato mid la tartamaysa dhigeeda caalamka,ka dib horumaro dowladda Soomaliya ka samaysa dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor u kaca dhaqaalaha guud ee dalka iyadoo hadda muuqato in dowladda iyo shacabkeeduba aysan hilmaamin kaalintii dalalka qaar ay ka geysteen u gurmashada ummadda Soomaaliyeed xiliyadii adkaa ee la soo maray.

Dhawaan dalka Turkiga waxaa ka dhacay dhul gariir aad u xoogan kaa oo ay ku dhinteen dad gaaraya 45,960,dhaawaca iyo hanti badan oo ku bur-burtay taas oo dalalka caalamka bilaabeen sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka halkaas dhibka kasoo gaaray.

Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo la wada xasuusto kaalintii walaalaha Turkiga ay ka qaateen abaarihii kala duwanaa ee ku dhuftay dalka haba ugu darnaato abaartii sanadkii 2011-kii kolkaas oo dowladda turkiga iyo shacabka Turkigu gurmad weyn ka geysteen sammata bixinta shacabkii Soomaaliyeed ee abaartu haleeshay.

Munaasabad lagu qabtay muqdisho oo ay ka qayb galeen  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee BJFS Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ganacsato iyo xubnno ka socday beesha caalamka ayaa dowladda Turkiga loogu guddoonsiiyay lacagtan oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed  uga qayb qaadanayaan gurmadka cadadka lacagtan ayaa dhamad $4,818,477 dollar, una dhiganta ku dhawaad 100 milyan oo lacagta Turkiga ah ee Lira taasi oo laga soo uruuriyey shacabka Soomaaliyeed, 20-kii maalmood ee la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guddigii gurmadka walaalaha Turkiga uga mahad celiyey garab istaaga qiimaha badan ee ay u sameeyeen walaalahooda Turkiga oo dhibaato wayn ka soo gaadhay musiibadii dhulgariiradii is xig xigay ee ka dhacay dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in tani ay adduunka tusayso in shacabka Soomaaliyeed markooda u gurman karaan cid kasta oo garab uga baahata xilliyada adag, Isagoo markale dowladda iyo walaalaha Turkiga uga tacsiyadeeyey dadkii tiradda badnaa ee ay ku waayeen musiibadii haleeshay.

Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Ibrahim Mete Yagli oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in shacabka Turkiga iyo dowladooda ay Soomaaliya u soo gurmadeen wakhti ay xaaladu aad u adkeyd isla-markaana hada dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay walaalahooda turkiga u muujiyeen garab istaag dhaqaale iyo dareen walaalnimo oo aad u qiimo badan.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed Cabdikariin Gabeyre oo ku hadlayay afka ganacsatada soomaaliyeed aya sheegay in ganacsatada soomaaliyeed ay kaalin weyn ka qateen howlaha gurmadka ayna sii wadi doonaan inta la soo dhameystirayo gurmadka socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo munaasabada soo xiray ayaa sheegay dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay diyaar u yihiin in ay garab istaag dhinac walba leh u muujiyaan walaalahooda Turkiga, isagoo xusay in iyadoo lagu jiro marxalado adag ay garab istaageen shacabka Soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Garsoore Soomaaliyeed oo kamid noqday liiska xubnaha u tartamaya qabashada Ciyaaraha Koobka Adduunka ee 2026-ka

Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa noqday taariikhda markii ugu horreysay garsoore Soomaaliyeed oo kasoo muuqday Koobka Qaramada Qaarada Afrika ee AFCON…

Gudaha
February 16, 2024

Guddoomiyaha SODMA oo tababar u furay shaqaale ka tirsan waaxyaha kala duwan ee hay’adda

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta Jamaacadda Cilmiga Caafimaadka ee ku dhextaalla Isbitaalka Digfeer waxa…

GudahaWararka
August 12, 2024

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo tababar u soo xiray cutub ka tirsan ciidamada Danab

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa tababar usoo xiray Cutubyo ka…

GudahaWararka
August 3, 2023

Wasiirka Arrimaha dibadda XFS oo gaaray Suudaan

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Arrimaha dibadda, iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad ayaa Gaaray magaalada Khartuum ee…

Wararka
February 28, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023