Muqdisho (SONNA) Horjooge Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal) iyo labo maleeshiyo ah oo la socota ayaa isku dhiibay Ciidamada deegaanka ee ka dagaalamaya bariga Gobalka Galguduud sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Baxdo Maxed Cabdulaahi.
Horjoogahaan ayaa ka mid ah kuwa muhiimka u ahaa Khawaarijta ka dagaalamaysa Galmudug waxaana ay qeyb ka yihiin tiro Maleyshiyaad ah oo maalmihii la soo dhaafay si isdaba joog ah uga soo baxayay safka Khawaarijta.