Muqdisho (SONNA) Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa magalda Riyad ee boqortooyadda Sacuudiga kaga qeyb galaya shirka caalamiga ah ee Cadaaladda oo ay qaban qaabisay Dowlda Boqortooyadda Sacuudiga.
Shirkaan oo socon doona laba maalin ayaa looga hadli doonaa sannadkan helitaan Cadaaladd ku dhisan Tiknoolijiyada casriga ah iyadoo la soo bandhigi doonaa sida Teknooliyada casriga ah ay uga qeyb qaadan karto adeegyada garsoorka iyo Caddaaladda.