Muqdisho (SONNA) Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa howlgallo lagula dagaamayo Maandooriyaha ka sameeyay Degmooyinka Qeybaha Waliyow-cade iyo Galbeed ee Gobolka Banaadir.
Ciidanka Boliiska ayaa soo qabtay dad lagu raad joogay oo ka ganacsada maandooriyaha, iyada oo dhawaan maxkamada Awooda u leh la horkeeni doono.
Howlgalkaan oo socday xalay ilaa maanta ayaa waxaa barbarsocda Holwgalo gaar ah oo lagula dagaalamayo Khawaarijta iyo Koxaha Weerada oo qalqalgaliya Amniga Caasimada iyo nawaaxigeeda.