Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xusee Jimcaale ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay hawlwadeenada sare-sare ee ka socday barnaamijka UN-JPLG ee Qaramada midoobay, kaas oo taageero Dawladaha Hoose ee Soomaaliya.
Ujeedada kulanka ayaa ahaa in hawlwadeenada maamulka guud ee barnaamijkaan ee uu hogaaminayay Mr. Paul Simkin laga dhageesto qorshaha wajiga 4-aad ee bilaaban doono Bartamaha sanadkaan.
Sidoo kale, guddomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa la wadaagay qorsheyaasha hortebinada horumarineed ee uu maamulka gobolka ka leeyahay horumarinta caasimadda Muqdisho, sida adeegyada bulshada, maaraynta khashinka, shaqo abuurka dhalinyarada, tababarada dhalinyarada, kobcinta Dhaqaalaha iyo hagaajinta Sharciyada iyo habraacyada shaqo ee Dawladda Hoose.
Guddomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho ayaa ka mahadnaqay taageerada barnaamijka JPLG isagoo dhinaca kale ku adkeeyay in la xoojiyo taageerada ay Caasimadda ka hesho barnaamijkaan. Kulanka waxaa goob joog ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee maamulka.