Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
    Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: Khawaariij burburinta goobaha cibaadada waxa u dheeraa in ay baad ka qaadan jireen
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaariij burburinta goobaha cibaadada waxa u dheeraa in ay baad ka qaadan jireen
MaqaalladaWararka

Khawaariij burburinta goobaha cibaadada waxa u dheeraa in ay baad ka qaadan jireen

By Axmed
Last updated: March 4, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Khawaariij burburinta goobaha cibaadada waxa u dheeraa in ay baad ka qaadan jireen.

Kooxda naxariista daran kana been abuurata diinta Islaamka ayaa deegaanadii laga xoreeyey oo ay booqatay warbaahinta qaranku waxay kula soo kulantay dhacdooyin yaab iyo naxdin leh kuwaas oo muujinaya sida kooxda khawaariijtu uga fog tahay diinta Islaamka isla markaana u burburinaysay raadadka diinta islaamka,goobaha cibaadadda iyo culimaa’udiinka oo ay dhamaantood ka erisay deegaanada.

Deegaanka Ceel-muluq oo ka tirsan degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe waxay ka mid tahay goobaha kooxda khawaariijtu ka geystay tacadiyada ba’an ee ka dhanka ah diinta Islaamka,deegaankan ayey shacabka ku nool isku dayeen in ay dhistaan masaajid balse kooxda khawaariijta ah ayaa ku xukuntay lacagta masaajidka lagu dhisayo mid le’eg in dadku bixiyaan hadii kale aan la dhisi karin,tani waxay cadayn u tahay in kooxdo ka hor tegaysay dhismaha masaajidka si ay u joojiso na culays dhaqaale u saartay dadka deegaanka.

Kooxda khawaariijtu waxay sidoo kale amartay mushaharka ay qaataan shaqaalaha dhisaya masaajidku mid le’eg in loo qoro horjoogayaasheeda ka hawlgala deegaanka iyo budhcada u qaabilsan fulinta dhagaraha ka dhanka ahaa dadka deegaanka Ceel-muluq.

Mid ka mid ah dadka ku nool deegaanka Ceel-muluq oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in kooxdu dhibaato daran oo diin la dirir ah kula kacday dadka deegaanka” macallinmiintii ayey buriyeen,ilmihii ayey dugsiyadda ka wateen,masaajidkana waxay kusoo rogeen in laga siiyo lacag baad ah”ayuu yiri.

Markale isagoo la hadlaya warbaahinta qaranka waxa uu sheegay muwaadinkan” waxay nagu khasbeen in aan baad bixino,waxay nagu khasbeen in aan maleeshiyaadkooda cunto u karino, waxay noogu hanjabeen hadii sidaas samayn wayno in qoortayada u maqan tahay”sidaas waxa warbaahinta qaranka u sheegay mid ka mid ah dadka ku nool deegaanka Ceel-muluq.

In goob cibaado oo masaajid ah lacag baad ah laga qaato waa astaan muujinaysa sida kooxda khawaariijtu cadow ugu tahay diinta Islaamka,kooxdan ayaa ku caan baxday maleegida ficillada foosha xun ee ay ku beegsanayso burburinta goobaha cibaadada.

Deegaanka Ceel-muluq hadda ma leh goobo caafimaad sidoo kale waxa ka maqan goobihii waxbarashadda oo kooxda khawaariijtu xirtay qaarna dumisay,waxa sidoo kale deegaank ay ka erisay kooxda khawaariijtu culimadii iyo macallimiintii dugsiyadda quraanka dhigi jiray.

Hore ayey warbaahinta qaranku u baahisay deegaano tiro badan oo kooxda khawaariijtu kala dagaalantay goobaha cibaadada kuwaas oo ay ka mid tahay deegaanka Ceeldheer.

Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa bur buriyay Masaajid Jaamicii degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay muddo badan gacanta ku hayeen.

Burburinta masaajidka ayaa loo sababeeyey in kooxdu doonayso inaysan sii socon xalaqooyinka diiniga ah ee halkaas laga aqrin jiray, kuwaas oo dadka ka hor keenaya hadii ay fahmaan diinta Islaamka ee saxda ah.

Deegaan walba oo laga saaray Khawaarijta sida Masaajid Cali-guduud iyo Masagawaa ayaa lagu arkay in masaajidda la burburiyey waqti hore oo ah muddada ay deegaanka caburinta ku hayeen lagu tukan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump

Muqdisho,(SONNA):- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay casho sharaf uu…

September 27, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Laba kun oo Soomaali ah oo helay mashruuc shaqo abuur ah oo ay fulisay Hey’ad Mareykan ah

Maamulka Safaarada Mareykanka ee fadhigoodu yahay Dalka Soomaaliya ayaa sheegtay in mashruuc shaqo abuur ah oo ay taageeraayeen ay ka…

Wararka
October 6, 2020

Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug oo shir ku qabatay Galmudug

Muqdisho,(SONNA):- Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa magaalada Galkacyo ku qabatay shir muhiim ah oo looga hadlayo caqabadaha ay la kulmaan xubnaha…

GudahaWararka
September 20, 2025

Booliska Cabduwaaq oo gacanta ku dhigay nin lagu eedeeynaayo dil iyo Kufsi

Cabudwaaq (SONNA)- Taliska booliska Degmada Caabudwaaq ayaa gacanta ku soo dhigay nin lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay falkii dilka…

Wararka
December 29, 2020

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad ee dalka oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

Muqdisho, (SONNA):- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad ee dalka, mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib…

GudahaWararka
November 8, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023