Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga
    June 2, 2026
    Hay’adda SoDMA iyo Qaramada Midoobay oo ka wada shaqaynaya xoojinta hawlaha samafalka
    June 2, 2026
    Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland
    June 2, 2026
    Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay guddiga sare ee Sanduuqa Qaran ee maareynta khataraha
    June 2, 2026
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Khawaariij burburinta goobaha cibaadada waxa u dheeraa in ay baad ka qaadan jireen
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaariij burburinta goobaha cibaadada waxa u dheeraa in ay baad ka qaadan jireen
MaqaalladaWararka

Khawaariij burburinta goobaha cibaadada waxa u dheeraa in ay baad ka qaadan jireen

By SB
Last updated: March 4, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Khawaariij burburinta goobaha cibaadada waxa u dheeraa in ay baad ka qaadan jireen.

Kooxda naxariista daran kana been abuurata diinta Islaamka ayaa deegaanadii laga xoreeyey oo ay booqatay warbaahinta qaranku waxay kula soo kulantay dhacdooyin yaab iyo naxdin leh kuwaas oo muujinaya sida kooxda khawaariijtu uga fog tahay diinta Islaamka isla markaana u burburinaysay raadadka diinta islaamka,goobaha cibaadadda iyo culimaa’udiinka oo ay dhamaantood ka erisay deegaanada.

Deegaanka Ceel-muluq oo ka tirsan degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe waxay ka mid tahay goobaha kooxda khawaariijtu ka geystay tacadiyada ba’an ee ka dhanka ah diinta Islaamka,deegaankan ayey shacabka ku nool isku dayeen in ay dhistaan masaajid balse kooxda khawaariijta ah ayaa ku xukuntay lacagta masaajidka lagu dhisayo mid le’eg in dadku bixiyaan hadii kale aan la dhisi karin,tani waxay cadayn u tahay in kooxdo ka hor tegaysay dhismaha masaajidka si ay u joojiso na culays dhaqaale u saartay dadka deegaanka.

Kooxda khawaariijtu waxay sidoo kale amartay mushaharka ay qaataan shaqaalaha dhisaya masaajidku mid le’eg in loo qoro horjoogayaasheeda ka hawlgala deegaanka iyo budhcada u qaabilsan fulinta dhagaraha ka dhanka ahaa dadka deegaanka Ceel-muluq.

Mid ka mid ah dadka ku nool deegaanka Ceel-muluq oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in kooxdu dhibaato daran oo diin la dirir ah kula kacday dadka deegaanka” macallinmiintii ayey buriyeen,ilmihii ayey dugsiyadda ka wateen,masaajidkana waxay kusoo rogeen in laga siiyo lacag baad ah”ayuu yiri.

Markale isagoo la hadlaya warbaahinta qaranka waxa uu sheegay muwaadinkan” waxay nagu khasbeen in aan baad bixino,waxay nagu khasbeen in aan maleeshiyaadkooda cunto u karino, waxay noogu hanjabeen hadii sidaas samayn wayno in qoortayada u maqan tahay”sidaas waxa warbaahinta qaranka u sheegay mid ka mid ah dadka ku nool deegaanka Ceel-muluq.

In goob cibaado oo masaajid ah lacag baad ah laga qaato waa astaan muujinaysa sida kooxda khawaariijtu cadow ugu tahay diinta Islaamka,kooxdan ayaa ku caan baxday maleegida ficillada foosha xun ee ay ku beegsanayso burburinta goobaha cibaadada.

Deegaanka Ceel-muluq hadda ma leh goobo caafimaad sidoo kale waxa ka maqan goobihii waxbarashadda oo kooxda khawaariijtu xirtay qaarna dumisay,waxa sidoo kale deegaank ay ka erisay kooxda khawaariijtu culimadii iyo macallimiintii dugsiyadda quraanka dhigi jiray.

Hore ayey warbaahinta qaranku u baahisay deegaano tiro badan oo kooxda khawaariijtu kala dagaalantay goobaha cibaadada kuwaas oo ay ka mid tahay deegaanka Ceeldheer.

Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa bur buriyay Masaajid Jaamicii degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay muddo badan gacanta ku hayeen.

Burburinta masaajidka ayaa loo sababeeyey in kooxdu doonayso inaysan sii socon xalaqooyinka diiniga ah ee halkaas laga aqrin jiray, kuwaas oo dadka ka hor keenaya hadii ay fahmaan diinta Islaamka ee saxda ah.

Deegaan walba oo laga saaray Khawaarijta sida Masaajid Cali-guduud iyo Masagawaa ayaa lagu arkay in masaajidda la burburiyey waqti hore oo ah muddada ay deegaanka caburinta ku hayeen lagu tukan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta ka…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA HADLAY DADKII SHACABKA AHAA EE KU GEERIYOODAY DIBAD-BAXYADA MAGAALADA LAASCAANOOD

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dhibaatada ka taagan magaalada…

GudahaWargayska
December 30, 2022

kusimaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo maanta daah furay tartanka Hirgeli Hibadaada

Muqdisho(SONNA):-.Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla ayaa maanta daah furay,…

GudahaWararka
February 26, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee xuquuqul insaanka

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka ayaa soo…

GudahaWararka
April 16, 2025

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧 𝐂𝐚𝐬𝐫𝐢 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐥𝐞𝐞𝐝𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐁𝐞𝐞𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

Muqdisho(SONNA)— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarun cusub oo weyn oo…

GudahaWararka
April 17, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023