Qaahira(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xarunta Baarlamaanka magalada Qaahira kulan laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa dalka Masar Mudane Dr. Hanafy El Gebaly.
Kulanka oo muhiim u ah labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Masar ayaa looga wada hadlay xoojinta xirirka dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo baarlamaanadooda, waxaana la isku af gartay in macaahida Masar ay ka helaan aqoon kororsi xildhibaannada iyo howlwadeennada Golaha Shacabka si loo dhiso xirfada shaqaalaha.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo dhiggiisa Dr. Hanafy El Gebaly ayaa isla qaatay In la dhiso guddi xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo labada Xoghayaha la faray ineey Ka shaqeeyaan dhaqan gelinta qodobada la isku afgartay.