Tuunis:-SONNA-Wasiiru dowlaha wasaraadda amniga gudaha Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa ka qeyb galay shirka wasiirrada amniga gudaha ee dalalka Carabta kaas oo ka dhacay dalka Tuunis.
Shirka ayaa looga hadlay arrimo la xiriira kor u qaadista iskaashiga amniga, la dagalaanka dambiyada lagu geysto intertnet-ka, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha wasiiradaha amniga gudaha ee dalalka Carabta.
Wasiirka ayaa la kulmay qaar ka mid ah madaxda kasoo qeyb galay shirka isaga oo kala hadlay danaha Soomaaliya iyo sida la isaga kaashan karo dhinaca amniga.
Shirka waxaa kasoo qeyb galay wakiilo ka socday Hayโadda Booliska Caalamiga ah ee Dambiyada (INTERPOL), Xafiiska Qaramada Midoobe ee la dagaalanka argagaxisada iyo madax kale oo ka kala socotay haya’addo kala duwan.