Muqdisho:-SONNA-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha wasaaradda isgaarsiinta & teknolojiyada,Axmed Cismaan Diiriye,kuwaas oo ka qeyb galaya shirweynaha caalamiga ah ee Isgaarsiinta Mobile-ka (Mobile World Congress),kaas oo maanta gelinka dambe la filayo in lagu soo gabagabeyo magaalada Barcelona ee dalka Spain.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa mowduucyo kala duwan oo xiriir la leh horumarka adduunku ka sameynayo teknolojiyadda isgaarsiinta,waxaana ka mid ah waxyaabaha looga hadlayo ilaalinta xogta gaarka ee macaamiilka iyo saameynta teknoolijiyadda ballaarinta 5G,maalgashiga shabakadaha (network), siyaasaddaha hirarka iyo nidaaminta dhaqaalaha ku tiirsan xogta.
Maareeyaha Hayโadda ayaa inta uu shirka socday kulamo doceedyo dhowr ah la yeeshay masuuliiyin kala duwan oo qeyb ka ahaa wufuudda ka qeybgaleysa shirweynaha.