Muqdisho:-SONNA-Xeer ilaaliayaha guud ee qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka qeyb galay Shirka sannadeedka 10-aad ee ururka Xeer ilaaliyaasha bariga afrika ee lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Kampala ee Caasimadda Ugandha ayaa warbaahinta qaranka uga warbixiyay muhiimadda Soomaaliya ee ku biirida Ururka Xeer ilaaliyaasha Bariga Afrika.
Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in xiligan Soomaaliya waqti wayn galineyso inay kamid noqota bulshada bariga Afrika xiligan, waxuuna sheegay in ururkan xeer ilaaliyaasha bariga afrika u qeyb ka yahay bahweynta ururka Bulshada bariga Afrika, waxuuna hordhac u siinoqoyaa ku biiridda Soomaaliya ee Bariga Afrika.
“Waxuu ururkan qeyb ka yahay bahwaynta Bulshada Bariga Afrika, waxuuna hordhac u sii noqonayaa ku biiridda Soomaaliya ay raadineyso ee bahwaynta bulshada bariga afrika, xubin-nimada ururka faa’ido weyn ayay dowladda Soomaaliya u leedahay, waxayna ka faa’ideysaa isdhaafsiga xogaha la xiriira dadka danbiliyaasha ah ee bariga afrika, tababarada xeer ilaaliyaasha iyo la dagaalanka dadka danbiyada geesta,”.
Urur Goballeedka Xeer Ilaaliyaasha Bariga Afrika oo horay ugu Mideyaanayeen 11 wadan ayaa hadda waxaa ku biiray Seddax wadan oo Soomaaliya qeyb ka tahay, waxaan hadda muuqaneysa in laamaha kala duwan ee dolwadda lagu casuumayo shirarka sanadlaha ah ee urur goboleedyada kala duwan ee bariga Africka.