Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho
    June 9, 2026
    Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha
    June 9, 2026
    War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan
    June 9, 2026
    Aqoon-isweydaarsiga Qaran ee Barnaamijka Xusuusta Dunida ee UNESCO oo la Soo Xiray
    June 8, 2026
    Ciidamada ammaanka oo Hotel Elite ee Muqdisho ku soo bandhigay hub kala duwan
    June 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha
    June 9, 2026
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadkan
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadkan
GudahaWararka

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadkan

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 1, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay waxqabadka todobaadkan oo qodobaysan.

1-Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Midowga Yurub kala hadley in la taageero qorshaha xasilinta goobaha laga saarey Khawaarijta, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay muhiimad siineyso on degaanadaasi degdeg loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

2-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay dardar galinta mashaariicda ka socda dalka, laguna soo bandhigay warbixin la xiriirta barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.

3-Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa adeeg waxbarasho ka hirgelineysa degaanka Janay Abdalla ee Gobolka Jubbada Hoose. Waxaa mashruucan uu qeyb ka yahay barnaamijka xasilinta ee dagaannada laga xureeyay Khawaarijta.

4-Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta oo ku yaalla Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

5-Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa qabsadey degaanno kala duwan oo ku yaalla HirShabelle iyo Galmudug, halkaasina ku dilay tiro badan oo ka mid ah Khawaarijta.

6-Hawlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka toddobaadkan waxaa Khawaarijta looga dilay in ka badan 200 oo dhagar qabe oo ay ku jiraan horjoogeyaal sare. Waxaa xusid mudan in mar kale Ciidanka XDS oo kaashanaya shacabka iyo saaxiibada caalamiga ay hawlgaladooda ku baahiyeen Banaadir, HirShabelle, Koonfuur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug.

7-Godad ay ku dhuumanayeen Khawaarijta degaanno ka tirsan Hirshabelle ayay Ciidanka XDS gacanta ku soo dhigeen. Tallaabadan waxay ka dhigan tahay in ay sii dhammaanayaan tabaha dagaalka ee Khawaarijta oo goob kasta oo ay galaan amaba ay isku qarinayaan ay Ciidanka XDS uga daba tegayaan.

8-Soomaaliya ayaa toddoobadkan saanad ciidan oo muhiim u ah dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab ka guddoontay Dowladda Mareykanka.

9-Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo xoojinaya amniga caasimadda ayaa gacanta ku soo dhigay saddex xubnood oo ka tirsan Al Shabab oo maleegayay falal amniga ka dhan ah.

10-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale diginin u dirtay qeybaha kala duwan ee Ciidammada Qalabka Sida inay ilaaliyaan anshaxa gudashada waajibaadkooda, isla markaana DFS ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto ciddii lagu helo inay geysaneyso xadgudubyo ka baxsan waajibaadkooda shaqo.

11-Dowladda ayaa toddobaadkan xirtey ciidan lagu soo eedeeyay inay rasaas ku fureen Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid iyo dad rayid ah oo marayey degaanka Siinaay ee magaalada Muqdisho.

12-Golaha Ammaanka ee QM oo soo dhoweeyay horumarka laga sameeyay dagaalka DFS ay kula jirto Khawaarijta, xiriirka wanaagsan iyo wadashaqeyn ee ka dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, iyo weliba horumarka laga sameynayo Deyn Cafinta.

13-Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa daah furtay tartanka Hirgeli Hibadaada oo suugaanleyda ay ku soo bandhigi doonaan suugaanta ku saabsan wadaniyadda, maslaxadda Ummadda Soomaaliya, tilmaamidda hagardaamada khawaarijta.

14-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa daah-furay imtixaanka macallimiinta ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha ee XFS.

15-Wasaaradda Qorsheynta ee XFS ayaa daah furtay Shir weynaha Xalka Waara ee heer Qaran

halku-dhigiisuna yahay Tayeynta iyo Isku-Dubaridka wax ka qabashada barakaca, iyadoo loo marayo xal hormarineed.

16-Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimillada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xariirta fuustooyin aan la aqoon waxa ku jira oo lagu arkay xeebaha Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka HirShabelle. Dowladda ayaa baaritaan arrintaas ku saabsan billowday.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta…

June 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeeray cutubyo ka tirsan Ciidanka òo ku sugan Maxaas

Hiiraan(SONNA):-Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo guddoomiyaha Degmada Maxaas Mudane Muumin Maxamed Xalane ayaa kormeer dhiiri-gelin ah…

Wararka
April 10, 2023

Dad u geeriyooday Hilibka Neef xanuunsan oo ay cuneen

Luuq-(SONNA)-Saddex Qof ayaa ku geeriyootay Miyiga Magaalada Luuq, halka 120 kalena lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad, markii ay Saacadihii lasoo dhaafay…

Wararka
February 7, 2020

Xildhibaanadda labada aqal ee BJFS oo maanta ka dooday cutubyada 12-aad iyo 13-aad ee dastuurka

Muqdisho(SONNA):- Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 23-aad…

GudahaWararka
February 26, 2026

Xukuumadda Oo Ansixisay Xubnaha Guddiga Farsamada Ee Loo Magacaabay Ka Talo Bixinta Habsami u socodka Doorashooyinka “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)- Golaha wasiirrada ayaa lagu ansixiyay xubnaha guddiga farsamada heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed ee ka baaraan degaya…

Wararka
July 30, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023