Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–asaaraha XFS ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ซ๐š๐ฑ๐š ๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐’๐ก๐š๐ซ๐ข๐ข๐Ÿ ๐’๐š๐š๐ฅ๐š๐ฑ ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐”๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š
    December 14, 2025
    Madaxweynaha JFS oo qaatay Kaarka codbixinta ee Doorashada Golaha Deegaanka
    December 13, 2025
    Arday aan gelin Imtixaanka Dowladda ee 2015 -2016 oo loo ogolaaday in la siiyo Shahaaddada
    December 13, 2025
    RW Xamsa Cabdi Barre oo Wasiirro cusub magacaabay
    December 13, 2025
    Wasiirka Difaaca XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Capt. Antonino Mazzocca
    December 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadkan
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadkan
GudahaWararka

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadkan

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 1, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay waxqabadka todobaadkan oo qodobaysan.

1-Raโ€™iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Midowga Yurub kala hadley in la taageero qorshaha xasilinta goobaha laga saarey Khawaarijta, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay muhiimad siineyso on degaanadaasi degdeg loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

2-Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay dardar galinta mashaariicda ka socda dalka, laguna soo bandhigay warbixin la xiriirta barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.

3-Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa adeeg waxbarasho ka hirgelineysa degaanka Janay Abdalla ee Gobolka Jubbada Hoose. Waxaa mashruucan uu qeyb ka yahay barnaamijka xasilinta ee dagaannada laga xureeyay Khawaarijta.

4-Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta oo ku yaalla Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

5-Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa qabsadey degaanno kala duwan oo ku yaalla HirShabelle iyo Galmudug, halkaasina ku dilay tiro badan oo ka mid ah Khawaarijta.

6-Hawlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka toddobaadkan waxaa Khawaarijta looga dilay in ka badan 200 oo dhagar qabe oo ay ku jiraan horjoogeyaal sare. Waxaa xusid mudan in mar kale Ciidanka XDS oo kaashanaya shacabka iyo saaxiibada caalamiga ay hawlgaladooda ku baahiyeen Banaadir, HirShabelle, Koonfuur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug.

7-Godad ay ku dhuumanayeen Khawaarijta degaanno ka tirsan Hirshabelle ayay Ciidanka XDS gacanta ku soo dhigeen. Tallaabadan waxay ka dhigan tahay in ay sii dhammaanayaan tabaha dagaalka ee Khawaarijta oo goob kasta oo ay galaan amaba ay isku qarinayaan ay Ciidanka XDS uga daba tegayaan.

8-Soomaaliya ayaa toddoobadkan saanad ciidan oo muhiim u ah dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab ka guddoontay Dowladda Mareykanka.

9-Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo xoojinaya amniga caasimadda ayaa gacanta ku soo dhigay saddex xubnood oo ka tirsan Al Shabab oo maleegayay falal amniga ka dhan ah.

10-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale diginin u dirtay qeybaha kala duwan ee Ciidammada Qalabka Sida inay ilaaliyaan anshaxa gudashada waajibaadkooda, isla markaana DFS ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto ciddii lagu helo inay geysaneyso xadgudubyo ka baxsan waajibaadkooda shaqo.

11-Dowladda ayaa toddobaadkan xirtey ciidan lagu soo eedeeyay inay rasaas ku fureen Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid iyo dad rayid ah oo marayey degaanka Siinaay ee magaalada Muqdisho.

12-Golaha Ammaanka ee QM oo soo dhoweeyay horumarka laga sameeyay dagaalka DFS ay kula jirto Khawaarijta, xiriirka wanaagsan iyo wadashaqeyn ee ka dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, iyo weliba horumarka laga sameynayo Deyn Cafinta.

13-Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa daah furtay tartanka Hirgeli Hibadaada oo suugaanleyda ay ku soo bandhigi doonaan suugaanta ku saabsan wadaniyadda, maslaxadda Ummadda Soomaaliya, tilmaamidda hagardaamada khawaarijta.

14-Raโ€™iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa daah-furay imtixaanka macallimiinta ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha ee XFS.

15-Wasaaradda Qorsheynta ee XFS ayaa daah furtay Shir weynaha Xalka Waara ee heer Qaran

halku-dhigiisuna yahay Tayeynta iyo Isku-Dubaridka wax ka qabashada barakaca, iyadoo loo marayo xal hormarineed.

16-Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimillada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xariirta fuustooyin aan la aqoon waxa ku jira oo lagu arkay xeebaha Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka HirShabelle. Dowladda ayaa baaritaan arrintaas ku saabsan billowday.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–asaaraha XFS ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ซ๐š๐ฑ๐š ๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐’๐ก๐š๐ซ๐ข๐ข๐Ÿ ๐’๐š๐š๐ฅ๐š๐ฑ ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐”๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š

Muqdisho,(SONNA):- ย Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Caawa ka qeyb…

December 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta XFS oo gaaray dalka Sacuudiga

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda…

GudahaWararka
January 7, 2023

Madaxweyne Xasanโ€œMaamulka Soomaliland waa in uu dhageystaa rabitaanka dadka reer Sool”

Muqdisho(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Jamaacada Salaadda Jumcaha ku oogtay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka…

GudahaSiyaasaddaWararka
February 17, 2023

Wasiirka Qorsheynta XFS oo khadka Internetka kaga qaybgalay kulanka Wasiirada Qorsheynta ee Dowladaha Carabta

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta Aaladda fogaan arraga uga qeyb galay shirka sanadlaha…

Wararka
February 4, 2021

Taliye ku xigeenka Boliiska oo sagootiyey Ciidamo Tababar layli Sarkaalnimo ku soo qaadanaya Dalka Masar

Muqdisgo (SONNA): Ku simaha Taliyaha ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa sagootiyey…

GudahaWararka
January 16, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023