Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland
    June 2, 2026
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
    DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed
    June 2, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 2, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Xuseen Axmed Colaad” Qoriga waxaan u qaatay si aan Khawaarijta uga aarguto”,(Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xuseen Axmed Colaad” Qoriga waxaan u qaatay si aan Khawaarijta uga aarguto”,(Warbixin)
GudahaMaqaalladaWararka

Xuseen Axmed Colaad” Qoriga waxaan u qaatay si aan Khawaarijta uga aarguto”,(Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: February 26, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Hagardaamada iyo ficillada guracan ee kooxda Khawaarijta Al-shabaab ma joojin howlgallada ka dhanka ah  ee lagu dabar-jarayo, kuwaas oo hadda si dardar leh uga socda deegaannada fara ku tiriska ah ee ay weli kusii dhuumaalaysanayaan.

Xuseen Axmed Colaad waxa uu qoriga u qaatay ka dhiidhinta dhibaatooyin loo geystay qoyskiisa oo kooxaha argagixisada ah ay ka dhaceen dhammaan xoolihii ay lahaayeen.

“ Waxay ii geysteen dhiibaato badan, xoolihii adeerkey wey dhaceen, bil kasta waxaa laga qaadaa baad iyo waxyaabo aan macquul ahayn, waxaana maanta qoriga u soo qaatay inaan ka dhiciyo waalidkey iyo awoowahay xoolihii laga qaatay inaan kasoo dhacsado Al-shabaab, anigoo u dagaalamaya ciidamada deegaanka, halkan waxaan ka soo jeedinayaa, anigoo ku hadlaya Afka Macaawisleyda in la iska dhiciyo nimankan waxaan xabad ahayn malahan,”.

Ganeey Colow wuxuu Lixaadkiisa ku waayay dagaal uu la galay kooxda Khwaarijta welina waa uu sii baacsanayaa, sidoo kale, halgamaa Ganeey wuxuu qeyb ka ahaa saraakiishii hoggaamineysay duulaankii  lagu xorreeyay degmada Ceeldheere iyo deegaanno hoos yimaado sida Masagawaa.

Warbaahinta qaranka ayaa ku booqatay difaacyada hore ee Masagawaa, wuxuuna sheegay inuusan marnaba joojin doonin dagaalka ka dhanka ah Kooxda argagixisada ah ilaa laga xorreeyo dalka oo dhan.

“ Meel ay ka taliyaan Al-shabaab, sheydaamintaas Khawaarijta ah iyo cid ay u taliyaan  iyo cid ay baad ka qaadaan ma jiri doonaan inshallah inta ay naf nagu jirto, aniga dhaawacooda ayaan qabaa, cabsi-doodana ima hayso cawana kuma seexan maalina kuma seexan, haddana kuma joogo, waxaan leeyahay marka walaalayaalow walaal ma tihiinee waraabaa tihiin ummaddan loo soo dirayee, meeshii aad ka timadeen aada, dalkan iyo dadkan dadkii lahaa waa ay kaceen, madaxweynihii wuu ku dhiirageliyay dalkan in laga xorreeyo Khawaarij,”.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in go’aankii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in la ciribtiro Khawaariijta uu ku daray ficil , taasina ay sabab u noqotay in la wiiqo awoodii kooxda oo goobihii laga saaray dhammaantood ka dhigtay meel asaagood ka haray oo ay ka muuqdaan burbur iyo baaba’.

“ Waxaan Allaah (SWT) uga mahadcelineynaa gaar ahaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ficilka iyo qowlka oo uu iswaafujiyay, madaxdii ka horeysay waxay dhihi jirtay waa lala dagaallaa Al-shabaab, waxay ka ahayd Af, laakiin isaga wuxuu ku daray Ficil,”.

Dhanka kale, Ganeey wuxuu wacad ku maray in ay sanadkan ku soo afjari doonaan Kooxaha Khawaarijta ee ku sugan bariga gobolka Galguduud iyo guud ahaan dalka.

“ Bilaha soo socda sanadkan, bilaha ugu horeeya, waxaana rajeynayaa in meel ay ka taliyaan iy cid ay u taliyaan iyo cid ay baad ka qaataan Al-shabaab in aysan dhici doonin, inta ay naf nagu jirto, Illaahayna waxaan ka rajeyneynaa mar walba nasriga iyo guusha inuu na siiyo, waana nasiinayaa waana helaynaa, maxaa yeelay waxaan ku taagannahay xaqa,” ayuu yiri Ganeey.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka waxay sabab u noqdeen in cagta la mariyo saldhigyadii ugu waa weynaa ee Kooxda Khawaarijta ay ku lahayd gobollada Shabeellaha Dhexe, Galgaduud, Mudug, iyo qeybo badan oo ka mid ah Shabeellaha Hoose.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Geneva (SONNA): Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taariikh Nololeedka Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo maanta Muqdisho ku geeriyooday “AKHRISO”

Muqdisho (SONNA)-Waxaa maanta magaaladda Muqdisho ku  geeriyooday Alle ha u naxariistee rug-caddaagii Dublamaasiyadda, Ra'iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya,…

GudahaWararka
May 7, 2021

Ciidanka Puntland oo qabtay lacago been abuur ah iyo dadkii watay

Ciidanka Booliska Puntland ee gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay gaari waday lacago been abuur ah iyo dadkii waday lacagahaasi.…

Gudaha
March 31, 2023

Ciidanka Xoogga dalka oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Muqdishu-(SONNA)-Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deeganno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, waxaana howlgalkaasi lagu dilay xubno ka…

GudahaWararka
December 6, 2020

Ciidanka XDS oo 25 Khawaarij ah ku dilay hawlgal ka dhacay gobolka Sh/Hoose

Muqdisho,(SONNA):- Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal ka fuliyay tuulada Gaalware oo 4 km dhanka bari kaga…

GudahaWararka
June 8, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023