Muqdisho.(SONNA):- Shir ay isugu yimiden Golaha maamulka iyo Maareeyayaasha Barnaamijyada ee 45-ka dal ee Africa, kana mid ah ururka “AFENET” ayaa lagu qiimeynayey waxqabadka sanadkii tegay ee 2022-ka, kaas oo ka qabsoomay 23- bishan February magaalada Mombasa ee wadanka Kenya.
Shirkan oo diirarada lagu saaray waxqabadka sanadkii tegay ee 2022kii, ayaa haddana waxaa dhinac socday doorashooyin, agaasimaha machadka caafimaadka (NIH), Dr. Cabdifataax Diiriye Axmed oo Soomaaliya shirkaas uga qeyb galay ayaa jeediyay guulaha iyo waxqabadka barnaamijka FETP -Somaaliya oo ay ka taageerto AFENET.
Shirkan ayaa markii ugu horeysey Soomaaliya loogu doortey in ay ka mid noqoto wadamada xubnaha ka ah ee codka buuxa ku leh ururkan, taas oo fursad u noqon doonta in ay hesho taageero caalami ah oo quseeya dhinaca ka hortaga, Baaritaannada, xakameynta iyo maareynta cudurada halista ah.
Ururka African Field Epidemiology Network (AFENET) waa dallad madax bannaan oo ay ku mideysan yihiin 45 waddan oo Afrika ah oo isku xirta culuumta iyo tababarada Caafimaadka.