Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania
    July 1, 2025
    8 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellada hoose
    July 1, 2025
    Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo
    July 1, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo calan saaray madaxtooyada xuska 65-aad ee xornimada awgeed
    July 1, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Xildhibaan Samakab oo ka tirsan golaha wakiillada Minnesota
    June 30, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo
GudahaMaqaallada

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo

By Kulane
Last updated: February 21, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Shucuubta ku dhaqan dalalka caalamka aya maanta u dareeray xuska maalinta 21-ka Febraayo oo ah munaasabad muhiim ah oo loo dabaaldego maalinta Caalamiga ah ee afafka dunida.

Maalintaan  caalamiga ah waa xus sanadle ah oo loola jeedo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan kala duwanaanshaha xagga  luqadaha , dhaqanka iyo guud ahaan horumarinta adeegyada lagama maarmaanka u ah kobcinta  afafka oo dhan.

Markii ugu horreysay maalintaan caalamiga ah waxaa 17-kii Noofambar 1999 ku dhawaaqay hey’adda UNESCO ee qaabilsan waxbarashada,seyniska iyo dhaqanka,hasa yeeshee 2008-dii waxaa loo aqoonsaday Sannadka Caalamiga ah ee Luuqadaha,ka dib kolkii sanadihii u dhaxeeyay 2002-2007-dii ay soo baxeen qaraarro iyo bayaan  lagu aqoonsanaayo maalintaasi

Muhiimadda xuska 21-ka febraayo ayaa ah in dowladaha caalamka ay u howlgalaan ilaalinta in ka badan lix kun oo luqadood,xoojinta midnimada bulshada,tixgelinta qeybaha luqadaha iyo wanaajinta xiriirka dunida, iyada oo loo marayo dhanka afafka iyo dhaqamada

Haddaba, dadka Soomaaliyeed,waxa ay ka mid yihiin shucuubta caalamka ee maanta u dabbaaldegaya xuska munaasabadda maalinta 21-ka Febraayo oo ah maalin ku weyn dunida oo dhan.

Afka ama luqaddu waa adeegga ugu muhiimsan nidaamka nololeed ee aadanaha, wuxuuna door weyn ka ciyaaraa xoojinta iskaashiga  iyo is dhexgalka bulshada ,ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka iyo isku xirka howlaha iyo waxqabadka kale ee ay wadaagaan guud ahaan dadyoowga dunida.

Bishii Oktoobar Sanadkii  21kii 1972-dii waa markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqo qoraalka Afka Soomaaaliga,waxaana muddo sanad ah lagu diyaariyay qaamuus ,buugag iyo manhajyo ku qoran afka Somaaliga,iyadoo isbeddel kooban lagu sameeyay xuruuftii laatiinka ee la qaatay,sida nidaamka xarfaha, shaqallada iyo shibbanayaasha.

Sidoo kale,21-kii  Jannaayo 1973-dii,waxaa dalka Soomaaliya ka soo baxay wargeys ku hadlaya afka Soomaaliga, waxaana  la helay Manhaj waxbarasho oo loo adeegsado dugsiyada dalka,isla markaana xambaarsan,aqoonta cilmiga maadiga ah, dhaqanka iyo taariikhda bulsho ee Soomaaliyeed.

Af Soomaaligu waa luqad qara weyn oo looga hadlo dalalka Geeska Afrika, waana dhaxal ay leeyihiin dad ku dhow 30-milyan oo ku kala baahsan dalalka Jabuuti,Itoobiya,Kenya iyo gudaha Soomaaliya.

Haddii la helo manhaj ku qoran afka Hooyo,,adeegyo waxbarasho oo lacag la’aan ah iyo isdhexgal bulsho,waxaa cad in ay imaan karaan koboc dhanka Afka ah iyo aqoon waxbarashoo oo tayeysan.

Sidoo kale ,waxaa muhiim ah in bulshada lagu baraarujiyo qoraalka afka, isla markaan loo fududeeyo helitaanka adeegyadaasi oo ah  nidaanka kaliya ee lagu ilaalin karo in uusan dabar go’in Afka Hooyo.

Haddaba,Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac,Wasiir ku xigeenka Mudane C/raxmaan Yuusuf Al-Caddaala iyo Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Mudane C/Laahi Xayir Ducaale ,iyagoo ka faa’ideysanaya xuska maalinta caalamiga ah ee 21-ka febraayo,waxay dhambaal hambalyo ah u direen shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda dalka.

Madaxdaasi waxay shacabka iyo u rajeeyeen in sanadkaan kiisa kale  ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Shiroos

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

Dar es Salaam-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii…

July 1, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Azerbaijan Mudane Ilham Aliyev ayaa magaalada Baku ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo…

GudahaWararka
February 14, 2025

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo qeyb galay meertada 46-aad ee Shirka Taliyeyaasha Ciidanka Booliska dalalka Carabta

Abu Dhabi-(SONNA)-Taliyaha ciidanka Booliska Sooomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa magaalada Abu Dhabi…

GudahaWararka
January 10, 2023

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo kormeer shaqo ku tegay xarunta Hantidhowrka Guud ee Qaranka

Muqdisho.(SONNA):- Ra'iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer shaqo ku tegay xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo…

GudahaWararka
January 4, 2025

Baarlamaanka Carabta oo si adag u cambaareeyey qaraxii ka dhacay Muqdisho

Muqdisho(SONNA):-Bayaan kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa si adag loogu cambaareeyay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Bayaanka ayaa lagu sheegay…

GudahaWararka
January 12, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023