Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khawaariijtu waa shufto aan shaqo ku lahayn Diinta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaariijtu waa shufto aan shaqo ku lahayn Diinta
MaqaalladaWararka

Khawaariijtu waa shufto aan shaqo ku lahayn Diinta

By SB
Last updated: February 20, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Kooxda Maleeshiyaadka Khawaarijta oo ah Urur Maafiya ah oo aan wax shaqo ah ku lahayn Diinta Islaamka oo aan caqiido ku saleysneyn, waxaana lagu tilmaamay in Soomaalida laga soo gali karo laba Iridood oo kala ah Qabiilka iyo Diinta ayay waxay u soo huwadeen Buste ay ku sheegeen in ay wadaan Diin, Ilaah fadligiis maanta waxay wada garteen Ummaddeena Soomaaliyeed inay yihiin Burcad meel wada fadhida, waxaana dhab ah in lagu kacay loona istaagay iska dhicintooda.

Waxaa jirta in dagaal-siyaasaddii ku aadaneyd Kooxda khawaariijta 15-kii sano ee ugu dambeysay ay ku saleysneyd laba qoddob, kuwaasi oo kala ah Midka 1-aad. Yaysan ku sii fidin dalalka Deriska la ah Soomaaliya iyo dalal kaleba oo meeshooda ha lagu haayo, qoddobka 2-aad ayaa ahaa, Shabaab awoodooda ha la dhimo, ha lagu qasbo inay gambadaan, lana bar-tilmaameydsado horjoogayaashooda, Warshadaha ay ku sameeyaan Qaraxyada iyo Goobahooda Ciidan, labadaasi arrimood waxay ahaayeen kuwo ku aadan hal dhinac oo ah Militari ahaan,balse doodo iyo falanqey Dalka gudahiisa iyo dibadiisa lagu kala qabtay kadib, waxaan isla gartay siyaasad lagu wajihi karo Kooxda Khawaarijta ah, waxayna ku taagan tahay dagaal seddex waji leh ama tiir oo kala ah Midka militariga, kan Fikirka ama Caqiidada iyo kan 3-aad oo ah in lagala diriro dhanka Dhaqaalaha,qorshahan ayaa waxa ku dhawaaqay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomaliya mudane xasan sheekh maxamuud.

Dhinacyada Militariga fikirka, iyo kan Dhaaalaha waa uu shaqeeyay, waxaa tusaale cad u ah sida Kooxda looga xorreeyay Gobollo, degmooyin iyo Deegaanno ka tirsan Gobolada Hiiraan, Shabeelada Dhexe,Mudug iyo Galgudud.

Haddaba Guulahaasi waxaa barbar socday Dagaalka Dhinaca Fikirka ah ama Wacyigalinta, taasi oo ay Culumada Soomaaliyeed ku kala qabteen Dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisaba, waxaana kii ugu horreeyay lagu qabtay Magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 24-kii ilaa 29-kii bishii Oktoober sanadkii tegay, waxaana laga soo saaray bayaan uu ka mid ahaa qodob magac loogu bixinaayay Kooxda iyo qodobo kale , wuxuuna u qornaa sidan:-

Bayaanka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ay ka soo saartay Shirkii ay u qabatay qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed 24-kii ilaa 29-kii bishii Okoober ee sanadkii tegay, marka iyadoo ka fulineysa awaamirta Madaxa Qaranka oo ku aadan la dagaalanka Kooxda isku magacawday Al-shabaab ee Maataleyska ah ee caadeystay daadinta Dhiigga Shacabka Soomaaliyeed, tixgalineysana Bayaankii ka soo baxay shirkii Culimada Soomaaliyeed, maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Maamul-goboleedyada Dalka ee socday muddadii u dhaxeysay 24-kii ilaa 29-kii bishii Oktoober ee sanadkii tegay ee ay soo agaasintay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS, waxay ka soo saartay Qodobo ka kooban 5 qodob, waxayna kala yihiin:-

Wasaaradda iyadoo adkeyneysa Bayaankii Shirkii 24-29 bishii Oktoober ee sanadkii 2022-kii, waxay reebtay in kooxda Khawaarijta ee ka dagaalanta Soomaaliya loogu yeero magaca ah Khawaarij.

Wasaaraddu waxay reebtay Faafinta afkaarta Khawaarijta ee ku salysan kaligii Muslinnimada, dilka, is dilka iyo naftii halignimada salnna aan ku laheyn Diinteenna Islaamka ee Xaniifka ah.

Wasaaraddu waxay ka reebtay Culimada Soomaaliyeed la macaamilka iyo aadista Kooxdaasi Khawaarijta ah, maadaama la macaamilkoodu yahay fal dambiyeed Qaran, iyadoo ciddii lagu helana lala tiigsan doono Sharciga.

Wasaaraddu waxay bogaadineysaa dadaalada ay Culumada Soomaaliyeed ku bayaaninayaan jidka toosan ee ay Diinta Xaniifka ah inoo jideysay.

Wasaaradda waxay Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaysaa inay isku kaalmeystaan wanaagga, qaataanna waajibaadkooda ku aadan taageeridda gulufka Dowladda ee ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ah ee caadeystay daadinta Dhiigga Shacbka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo jira Shir ay Culimada Soomaaliyeed ku qabteen Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, kaasi oo ah mid lagu sii kabayay ama lagu sii ayidayay Shirkaasi hore ee lagu qabtay Muqdisho, Waajibnimada Jihaadka lagula jiro Khawaarijta, waaana ka soo muuqday Culumadaan Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Mashaaikhda halkaan ay ka mid yihiin1- Sh Mustafa Xaaji Ismaaciil haaruun.2- sh Cabdirashiid Sh Cali Suufi 3- Sh Bashiir Axmed Salaad 4- Sh Maxed Idiris.5- Sh Maxed Dirir 6- Sh Abuu Shaybah iyo Culumo kale oo aad u waawayn ahna kuwa ugu Xeesha dheer aqoonta Diinta Islaamka gaar ahaan Geeska Afrika, waxa ay cadeeyeen waajibnimada Jihaadka lagula Jiro Khawaarijta, waxayna culumadaasi ay aad uaga hadleen hab dhaqameedka Kooxda oo ay ku sheegeen mid aan waafaqsaneyn Diinta Islaamka, iyagoo caddeeyay in ay mudan yihiin la iska dhiciyo.

Haddaba isku soo wada xooriyoo Kooxda waxa uu ugu baxay Magaca Khawaarijta ayaa ah inay Diinta bannaanka ka yihiin, taasoo lagu sifeeyay sida ay kaligood Diinta isugu koobeen, inta kalena ay ka saaraan, sidaasi awgeed ayaa ah sababta Culimada Soomaaliyeed ay ugu bixiyeen Magaca KHAWAARRIJTA.

SONNA Editorial.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Midowga Afrika oo rajeynaya dhaqaale lagu maalgelinayo howlgalka Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa dhowaan dalbaday lacag ku dhow 90 milyan oo dollar oo lagu maalgelinayo howlgalka ciidamada nabad ilaalinta ee…

Gudaha
March 24, 2023

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo Khawaariijta kala wareegay fariisimo muhiim u ahaa

Boosaaso(SONNA):-Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa khawaarijta Daacish kala wareegay deegaannada kala ah Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal…

GudahaWararka
January 27, 2025

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo daah furay Barnaamijka kobcinta wax soo saarka xoolaha โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay daah furka Barnaamijka kobcinta wax…

Wararka
January 20, 2021

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal cusub oo ballistic ah

Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqday tijaabadii ugu horreysay ee lagu sameeyo gantaalkeedii ugu horreeyay ee oo loogu magac daray Hwasong-18…

Caalamka
April 14, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023